Madaxweynaha dalka  Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Safarka Madaxweynaha Jabuuti ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaas oo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga carabiya Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada sucuudi carabiya Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele ayaa la kulmay Boqorka Sacuudi Carabiya iyaga oo kawada hadlay xiriirka labada dal nabada iyo xasiloonida Gobolka  Geeska Africa

Sacuudi Carabiya ayaa si weyn uga soo dhexmuuqatay dhex dhaxadinta Wadmada Geeska Africa sida Eritrea iyo Jabuti iyo sidoo kale Itoobiya iyo Eritrea

Madaxweyne Geele ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha  Isaias Afwerki ee dalkaasi Eritrea

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here