Sawiro:Wafdi Ka Socda Aqalka Sare OO Lagu Soo dhaweyay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Wafdigan oo ka kooban mid toban Xubnood ayaa maagaalooyinkaasi u tagay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda raadiyaan,waxaana Wafdiga hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi.

Dhanka kale,Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedka Puntland shalayna gaaray magaalada Garowe ayaa maanta magaaladaasi waxay kula kulmeen madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas,Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Golaha Wakiilada Puntland iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada rayidka iyagoona kala hadlay arrimaha haatan taagan iyo sida ugu fudud ee lagu xalin karo.

 

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*