Jose Mourinho Macalinka United oo Sharaxay Sababta uu Sida Weyn Ugu Dabal Dagay Goolkii 2aad ee Koxdisa Todobadkan Ka Dhalisay watford

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa sharaxay sababta ka dambaysa dabaal degii waalida ahaa ee uu sameeyay kadib goolkii uu dhaliyay Chris Smalling kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaartay watford kana tirsanaa premier League.

Kamerooyinka ayaa qabtay Tababare Jose Mourinho oo fadhiga ka kacay isaga oo si la yaab leh ula dabaal degay Caawiyayaashiisa Kieran Mckenna iyo Michael Carrick oo labadoodaba la soo dalacay xilli ciyaareedkan kadib markii uu kooxda ka tagay caawiyihii Jose Mourinho ee Rui Faria.

Jose oo ka hadlayay arimahasi aya yiri” Sababta ayaa ahayd waxa aan ku tababarnay xiddigaha koornaha toodbaadkii hore, waxa ugu fiican ee ku dhici kara tababaraha ayaa ah in uu xiddig wax tuso oo ay dhacdo inta lagu jiro kulan Rasmi ah”.

“Kulamadii ugu dambeeyay waxa dhacayay waxa aan tababarka ku bixino xitaa kulankii Tottenham waxa kulanka ka dhacay wax aan tababarka kaga shaqaynay”.

“Laakiin Kubadaha koornayaasha waa wax aan si khaas ah uga shaqayno  waliba todobaad kasta laakiin mararka qaar ma dhacaan”.

“Sidaas darteed amrkii ay dhacday waxa ay farxad u ahayd shaqaalaha tababarka”.

Macalin Jose aya kuso labana wadadi guulaha kadib markii uu todobaadkan ka adkaaday kooxda Watfford.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*