Xiisad ka taagaan Ceel-waaq iyo Ciidamo keenyaan ah oo shacab!!

Wararka Ka imaanaya Deegaan hoostaga degmada Ceel Waaq ayaa sheegaya in rabshado xalay ka dhacay degaanka lagu dilay Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday.

Macalinka ayaa la sheegay inuu ku sugnaa xiliga la dilayay dugsi Qur’aanka,islamarkaana ay goobta yimaadeen ciidamo ka tirsan Kenya kadibna ay halkaasi ku jirdileen macalinka iyo labada arday.

Macalimka la dilay ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways,iyadoona labada arday ee kale la dilay ay isla dhasheen,waxaana lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Intaa kadib shacab aad u careysan ayaa waxaa la sheegay in Baangado ay ku dileen 3 ka mid ah ciidamada Kenya,islamarkaana ka shaqeynayay dhagax qodista.

Xaalada degmada Ceelwaaq ayaa saakay lagu soo waramaya in ay tahay mid degan,kadib rashado ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*