Siyaasiin Muqdisho ka tagay Kuna Wajahan Deegaanadda Galmudug si ay xaliyaan Khilaafaadka ka Jira

Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug.

Waxa uu sheegay inay iyaga u arkayaan in siyaasiyiintaas qorshihii ay wadeen Magalada Muqdisho laga fashiliyey,isla markaana ay dib ugu soo laabteen.

Tan iyo markii Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa waxaa ku bilaawday cadaadis siyaasadeed Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*