Xildhibaanada K/galbeed oo isku khilaafsan in Xariirka loo jaro Dowladda Dhexe!!

Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa ku kala qeybsamay talaabada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed uu ku hakiyay wada shaqeyntii dowladda dhexe kala dhaxeysay

Xildhibaanada ayaa kulamo gaar gaar ah ku yeeshay maalmihii la soo dhaafay magaalada Baydhabo waxa ayna siyaabooyin kala duwan ugu hadleen qodobadii ka soo baxay shiirkii Kismaayo iyo go’aanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada qaar ayaa difaacay wax qabadka dowladda dhexe halka kuwa kalena ay sheegeen in dowladda dhexe aysan waxbo u qaban shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan go’aanka ay ku hakiyeen wada shaqeynta dowladda dhexe kala dhaxeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*