Meydadka sadex ruux oo rayid ah oo  2 Walaalo yihiin oo laga helay duleedka  Mandheera.

Seddexdan ruux ayaa meydadkooda waxaa laga soo helay tuulada Ceelraam ee hoostagta waaxda kutulo ee koonfurta  countiga mandera.

Magacyada dadkaan la dilay oo laba ka mid ah ay ahaayeen walaalo ayaa lagu kala sheegay Cali Ibraahim Xasan, Siyad Ibraahim Xasan iyo Sadaam Cali Uweys.

Macada sababta rasmiga ee ka danbeysa dilka sadexdaan ruux  iyo cida ka danbeysay dilkooda, balse waxaa ay arintaan qeyb ka tahay dilal taxane ah oo loo geystay shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi bari ee kenya.

Inta badan degaankan waxaa dilalka ugu badan ka geysta ciidamada milateriga dowlada Kenya ee xuduuda ku sugan, iyagaana dadka degaanku ku edeynayaan  in ay ka dambeeyaan dil wadareedka wiilashan loo geystay,Alle Ha u Naxariisto Wiilashan walaalaha ah ee qoyska qura ka soo wada jeeda.

Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxeena Alle samir iyo iimaan saadiq ah ha siiyo, iyagana janatul fardowsa Eebe ha geeyo. Aamiin aamiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*