Madaxweyne Shariif Xassan oo Lacag Fara-badan looga dhacay Hotel uu ka Deganaa Nairobi

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh oo maalin kahor tagay Kenya ayaa xalay saq dhexe loo daba maray Hotel uu ka deganaa Nairobi, waxaana falkaasi geystay gaangis Kenyan ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Shariifka laga qaatay Decoments uu lacago ku qaadan rabay iyo lacago kaash oo Dollar ah, waxaa la soo warinayaa in Madaxweynaha KGS ay xaalada ku xun tahay, xilli uu November ka qeyb galayo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Arintaani ayaa waxaa lagusoo waramayaa in lala socod-siiyay Booliska Magaalada Nairobi Ee Dalka kenya,kuwaasi oo hadda Baaritaan ku haaya Falkaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*