Gudoomiyaha  Aqalka Sare oo ku baaqay in la joojiyo Abaabulka  Khilaafka Hogaamiyayaasha M/Goboleedyadda iyo Baarlamaankooda!!

Iyadoo uu wali taagan yahay mooshin ka dhan ah Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda ayaa waxaa arinkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi,waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Abaabulka Mooshinadaasi Socda.

Gudoomiyahu Intaas Waxa uu ku daray  inaan loo baahneyn in la kala fogeeyo Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada,sidoo kalena laga warsugo xalinta ay wadaan golaha Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi C/laahi waxaa uu carabka ku adkeeyay inaan waqtigaan loo baahneeyn mooshin laga abaabulo Madaxda Maamul Goboleedyada Hase’yeeshee Muhiimadu ay tahay in laga shaqeeyo xasiloonida Guud ahaan Dalka.

Hadalka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo Guddiga joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta kulan ku yeeshay magalada Muqdisho ay ku dhawaaqeen inay wafdi u dirayaan deegaanada Dowlad goboleedayda si xal looga gaaro khilaafka.

Maamuladda Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lasoo warinayaa  in hada uu ka curanaayo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda Sare Ee Maamuladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*