Sharci cusub oo dambi ka dhigaya faroxumaynta iyo tacadiyada kale ee galmada la xidhiidha ayaa ka dhaqan galaya dalka Morocco.

Sharcigan waxaa ka mid ah in uu mamnuucayo guurka khasabka ah, arrintan ayaana imaanaysa iyadoo ay sare u sii kacayso walaaca laga qabo tacaddiyada loo gaysto dumarka Morocco.

Mid ka mid ah daraasadaha la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii dumar ah ee reer Morocco ahba ay lix ka mid ah la kulmaan nooc taddi ah.

Kufsiyadii dhawaan dalkaas laga gaystayna baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyay.

sidookale wariyayaasha ayaa  waxay soo sheegayaan in sharciga cusub aad loo soo dhaweeyay balse sidoo kale lagu dhaliilay in sharcigani uusan qeexitaan ka bixinaynin shaqaaqadaha guryaha ka dhaca iyo tacaddiyada galmada la xiriira ee dadka isqaba gaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here