Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa caawa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib weerar xoogan oo ay magaaladaasi ku qaadeen dagaalyahannada Al Shabaab, xilli guud ahaan ammaanka magaalada gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale dhammaadkii bishii August ee sanadkan waxa ay u weerareen magaalada Marko, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamada dowladda federaala Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhawaan waxay Al Shabaab ka saareen magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here