maddaxweyna

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in

xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is

Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda

ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey In Hor Marka Laga Wada Shaqeeyo Lagana Fogaado Wax Kasto Oo Colaad Keeni Kara