Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia hortooda Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay arimaha guud ee xaalada dalka Somalia.

Madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday arimaha Maaliyada dalka, wuxuu sheegay in Wasaarada Maaliyada Somalia ay ku tilaabsatay horumaro kala duwan oo ku aadan maareynta dhaqaalaha dalka iyo habka Electroniga.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu khudbadiisa ku soo hadal qaaday in Dowladda Somalia ay ku mashquulsan tahay soo nooleynta shilinka Somalia.

Mar uu ka hadlaayay Gobolada dalka Somalia loo gaarsiiyay  Federalka ayuu ku tilmaamay wax wanaagsan, waxaana uu sheegay inay dhismeen Maamulo kala duwan oo Federaal ku yimid.

Ka qaybgalka Madaxweynaha uu maanta ka qaybgalay Fadhiga Baarlamaanka ayaanan horay loo sii shaacin, waxaana tani ay u muuqata qayb ka mid ah olalaha Madaxweynaha uu ku doonaayo inuu ku soo jiito Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ku kacsan.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa go’aansaday in maanta loo codeeyo Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga xuduudaha iyo Arimaha Federalka, waxaana codeynta ay tahay mid qarsoodi ah.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Nabad Suggida, Booliska iyo ciidanka Boliska Amisom, iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka xarunta Madaxtooyada agmara.

xasas