bnn

Degaanka Leego ee ka tirsan gobolka Sh/hoose oo SHALAY  ay weerareen dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab ayaa warar cusub ka soo kordheen, kaddib markii dagaal muddo saacado ah uu socday xero ay degan yihiin Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ciidamada AMISOM looga dilay ku dhowaad 60-Askari, halka  Al-Shabaab-na uu isagu sheegtay inay geeriyoodeen 20-dagaalyahan oo 10 ka mid ah ay ku xirnaayeen suumanka qarxa.
Goob jooge magaciisa la qariyay oo ku sugan degaanka Leedo ayaa VOA-da u sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen saddex xero ciidan oo ku yaala gudaha iyo daafaha degaanka Leego, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.
“Magaalada waxaa haatan gacanta ku haya Al-Shabaab, shacabkii degenaana way ka barakaceen kaddib ay ka war heleen inay magaalada jiho kasta ka soo gelayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM” ayuu yiri goob joogahaasi.
Saldhigga ugu weyn ee ay Leego ka degan yihiin ciidamada AMISOM ayaa markii ay la wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab waxay shacabka ku fasaxeen inay bililiqeystaan, iyagoona halkaasi ka qaatay gaadiid iyo saanado ciidan.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale degaanka Leego ka kaxeystay Guddoomiye K/Xigeenkii Degmada iyo nin turjubaan u ahaa ciidamada AMISOM, iyadoo nolol iyo geeri lagu la’yahay Guddoomiyihii demada Leego.
Wararku waxay intaasi raacinayaan in firxadkii ciidamada Burundi ay u carareen xero ay degan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya oo aan ka fogeyn degmada Leego, iyadoo cabsi xoogan ay ka jirto guud ahaan goobihii SHALAY

lagu dagaalamay.