cadaado2-280x175

Magaalada Cadaado waxaa ka bilowday qabanqaabada lagu dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, iyadoo musharaxiin dhowr ah ay isku soo taageen xilkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kulamo kala gaar gaar ah yeelanaya, iyadoo musharaxiintana mid kastaba uu isku dayayo inuu isagu helo taageerada ugu badan ee Xildhibaanada Galmudug si uu ugu guuleysto doorashada dhaceysa maalinta berri ah.

Musharaxiinta xilka Guddomiyaha guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Mudug iyo Galgaduud waxaa ka mid ah musharax C/llaahi Maalin Gaafow (Asparo) oo ah shaqsiga loo saadaalinayo inuu isagu ku guuleysto guddoonka Baarlamaanka cusub.

Dhinaca kale magaalada Cadaado ayaa la filayaa in 4-ta Julay lagu doorto Madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo musharaxiin dhowr ah ay iyana durba bilaabeen sidii ay ku heli lahaayeen inta badan taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaanadii ka harsanaa liiska mudanayaasha ka mid noqonaya golaha Baarlamaanka Galmudug.