Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee dalka ayaa loo qabtay dood xiiso leh, iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha ugu waaweyn ee ay qabanayaan boqolka maalmood ee ugu horeysa haddii la doorto.

Axmed C/Salaan Xaaji Aadan, Cabdi Xasan Cawaale (Weybdiid), C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi iyo musharaxiin kale ayaa ka mid ahaa, kuwaasi oo iyagu dood uu u qabtay Telefishanka Qaranka si weyn uga digay in gobolada dhexe ay ka dhacaan dagaallo mar kale ku dhex mara kooxo ku loolamaya awooda goboladaasi.
Musharaxa Axmed C/Salaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay ka shaqeyneyso inay gobolada dhexe mar kale ku soo noqoto dhacdooyinkii foosha xumaa iyo dagaallo u dhaxeeya maamulka cusub iyo dadka degaanka, haddii aanay dowladdu faraha kala bixin arrimaha gobolada dhexe.
DAAWO VIDEO:Galmudug-500x352