Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday gawaari uu la socday danjiraha Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Cusmaan.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid bahalnimo ah, nasiib wanaagse ay fashiliyeen ciidammada dowladda Soomaaliya.
Warka ayaa intaas ku daraya in aysan hakan doonin xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.
War-saxaafadeedka ayaa loogu mahadceliyay ciidanka fashiliyay weerarka, waxaana loogu tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada dadka ku dhintay.
In ka badan 10 qof oo u badan rayid ayy ku dhimatay weerarka, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay

astaanta-qaranka Al-Shabaab.