Qarammada midoobay ayaa cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay dajiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda Imaaraadka carabta ku leeyahay Muqdisho.
Wakiilka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in weerarrada noocaas ah lagu khal-khal galinayo beesha caalamka, si ay u wiiqmaan dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo kala dambaynta Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay sii soconayaan kaalmooyinka Qrammada Midoobay iyo beesha caalamku ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo shacbigeeda.
Kay, ayaa ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay  Al-Shabaab.