Cabdullaahi Maalin Gaafow ayaa kaga dhawaaqay maanta magaalada Cadaado in uu u tartamayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Munaasabad uu ku shaacinayey musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan baarlamaanka cusub ee gobollada dhexe, siyaasiyiin iyo dadweyne kale.
Wuxuu sheegay in haddii la doorto uu golaha ku hagi doono shuruucda u degsan, islamarkaana uu noqon doono hoggaamiye wax cusub iyo nidaam ku soo kordhiyo baarlamaanka.
Laba musharax oo kale ayaa horay isugu soo soo taagay dooarada guddoonka baarlamaanka maamulkaas oo qorshuhu yahay in ay dhacdo 27-ka bisha

.Cadaado