Ciidamada Ilaalada waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in labadii maalin u dambeysay gudahooda ay badbaadiyeen illaa 3700 oo Muhaajiriin ah kuwaas oo la socday doonyo aan nafta la siin karin in ay ku safarto.

Afhayeenka u hadlay Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa xusay in Maraakiib ay ka mid yihiin kuwa Midowga Europe ay u suura gashay in ay badbaadiyaan Muhaajiriin la socday doonyo Buufinno ka sameysan oo gaaraya illaa 17 doon, kuwaas oo ay saarnaayeen 2741 Muhaajiriin ah isniintii.

Sidoo kale Afhayeenkaan ayaa intaas ku daray in  6 Holgal oo kale ay ku badbaadiyeen qiyaasii  1000 Muhaajiriin ah kuwaas oo ku safrayay 1 doon oo nuuca kalluumeysiga ah iyo 5 kale oo ka sameysan bacaha la buufiyto ,Talaadadii shalay.

Dowladda Talyaaniga ayaa Midowga Europe kala kaashaneysa si ay uga hortagto dadka doonyaha aan ku habooneen safarka iyagoo la socda ku soo firxanaya dalkeeda.

60 kun ayaa lagu qiyaasaa sanadkaan dadka u Tahriibay wadamada Europe iyagoo marin ka dhiganaya Biyaha u dhexeeya wadamada Libya iyo Italy sida warbixinno rasmi ah ay carabaabeen.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobayna waxa ay ku qiyaastay dadka dhintay iyaguu ku guda jira safarka Tahriibka sanadkaan ku dhawaad 2000 oo qof.

Midowga Europe ayaa dhawaan isku raacay in la kordhiyo howlaha badbaada dadka soo tahriibaya laakiin Ururka oo ka kooban 28 dowladooda ayaa ku kala aragti duwanaaday sida loola tacaamulaya muhaajiriinta soo badbaada.