29E6624C00000578-3136408-image-a-7_1435083209413

Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa macsalaameeyay Premier League isagoo waayihiisa ciyaareed ku soo gabagabeynaya kooxda Mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Ka hor inta uusan aadin Mareykanka waxa uu wareysi gaar ah la fariistay saaxiibkiisii hore ee xulka England iyo xiddigii ay cadowga isku ahaayeen dhanka kooxeed ee Man United Rio Ferdinand, iyadoo barnaamijka “Rio Meets Steven Gerrard” maanta laga baahin doono BT Sport. Laacib.net ayaana idiin soo tarjuntay wareysiga oo dhameystiran.

RIO FERDINAND: Waxaa jiray hadal adiga lagaa qoray oo aan arkay bilowgii waayahaagii ciyaareed ee Liverpool adigoo dhahaya: “Waxaan ka ciyaarayay meel aan booskeyga aheyn, waxaan ka baxsanaa tayada ciyaarteyda”

STEVEN GERRARD: Gerard Houllier ayaa I soo saaray isagoo markii hore iyaga ciyaarsiiya daafac midig, kulamadii ugu horeysay ee uu ugu soo bilaabo waxaan ka hor imid Tottenham. Waxaan ka soo horjeeday David Ginola kaasoo si weyn ii dhibay. Waa uu iga awood badnaa, waa uu iga orod badnaa waana uu iga xooganaa. Waxaan dareemay inaan tayadeyda ka durugsanahay, waxaana isweydiinayay ma gaari karaa tayadeyda halka ay taalo?

05/01/03 ... MAN CITY V LIVERPOOL ... PIC JACK DAWES LIVERPOOL'S BOSS GERARD HOULLIER AT THE END WITH STEVEN GERRARD.

Waqtigaas, Houllier ayaa wada sheekeysi fool ka fool ah ila yeelan jiray, waxaana uu igu yiri: “Fiiri, waxaa si xun laguu maareeyay 18kii bilood ee ugu danbeysay, shaqo fiican kuma qabatid qolka jir dhiska. Shaqo fiican kama qabatid lugahaaga, awoodaada iyo awooda, qeybta kore ee jirkaaga ma weyna, mana u xooganid oo lama qabsan kartid ciyaarta haatan. Waad leedahay tayo iyo awood laakiin lixda bilood ee soo socota si adag ayaan kuugu shaqeyn doonaa sababtoo ah waxaad u baahan nahay inaan isku dayno oo aan dhisno nin rag ah sababtoo ah waxaad tahay wiil yar oo ku jira ciyaar rageed.”

Sidaasi darteed, waxaan si weyn ugu shaqeeyay qolka jirdhiska, waxaana isku dayay inaan horumar sameeyo oo aan ciyaarta la qabsado.

FERDINAND: Miyeey jireen dad kooxda joogay ama meel kaleba oo kugu dhiirogeliyay inaad noqoto ciyaaryahan?

GERRARD: Waxaan lahaa geesiyaal sida Jamie Redknapp iyo Paul Ince, sidoo kale John Barnes, Steve McMahon iyo Ronnie Whelan oo iyagana ka horeeyay, laakiin waxaan doonayay inaan maskax ahaan iyaga la dagaalamo, waxaan doonayay inaan garoonka tababarka kula tartamo. Sidaasi darteed markii ugu horeysay uma aanan arkeynin asxaabteyda kooxda waxaan u arkayay dad iga heysta wax aan doonayo.29E6FE7B00000578-3136408-image-a-12_1435084552169

FERDINAND: Gerard Houllier ayaa ka dhigay kabtan 2004tii, waxaad kabtan u noqotay kooxdii aad taageereysay.

GERRARD: Waqti dhow ayay igu aheyd aniga. Waqtigaas ma aanan dareemeynin inaan heysto ixtiraamka ama shaqsiyada qolka labiska oo aan ku noqdo kabtanka Liverpool. Laakiin sida iska cad isaga wax kale ayuu igu arkay, wuxuu ku fekeray inay aheyd waqtigii saxda ahaa ee aan kooxda hogaamin lahaa sababtoo ah waxa ay taasi iga caawineysay inaan noqdo nin weyn oo si dhaqso ah horumar u sameeya. Waxaan yara dareemay ceeb waqtigaas sababtoo ah waxaan kabtanimada ka qaatay Sami Hyypia wuxuuna ahaa mid si joogta ah u ciyaaraya muddo laba sannadood ah.29E719B500000578-3136408-image-a-15_1435085283260

FERDINAND: 2004tii, Houllier waa uu iska casilay shaqada kooxda ka dib sannad koob la’aan ah. Waxaa jiray warar sheegaya inaad ku faraxsaneyn sida ay kooxda u socoto. Ka dib waxaa yimid Rafa Benitez waxaana uu kooxda gaarsiiyo guulo waa weyn.

GERRARD: Sida iska cad waxaan guulo gaarnay 2001, waxaana dareenay inaan soo yareyneyso farqiga inoo dhaxeeya anaga iyo kooxaha waa weyn ee Premier League. Laakiin waxaan sameynay saxiixyo ka dib Koobka Adduunka sida El Hadji Diouf iyo kuwa kale, waxaana isweydiinayay “Saxiixyadaan ma inoo qaadi karaan heerka xiga?” Marnaba ma aysan shaqeynin saxiixyadaas. Mararka waxaan ahay qof caqli yar ama malaha waxaan ahay qof aad u daaca ah laakiin waxaan sheegay in saxiixyadaas aysan shaqeyneynin, waxaana ay dadku bilaabeen inay yiraahdaan Gerrard wuu careysan yahay. Laakiin adigaba waad ogtahay marka aad u ciyaareyso koox weyn sida Man United ama Liverpool haddii uusan koob jirin waxaa sii weynaanaya farqiga idiin dhaxeeya idinka iyo kooxaha kale.

FERDINAND: Ayaad oran laheyd waa tababarahaagii kuugu fiicnaa ee aad ka hoos ciyaartay waayahaagii Liverpool?

GERRARD: Waxaan qabaa haddii laga hadlay dhanka jaceylka iyo taageerida, gabi ahaanba waa Houllier. Waxa uu ii ahaa sida aabaheey oo kale. Waxa uu I xanaaneyn jiray garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa. Si fiican ayaa isku fahamsan Brendan Rodgers waa nin ku takhasusay maamulida ciyaaryahan. Roy Hodgson isaga ixtaa. Laakiin Rafa Benitez ayaa iga soo saaray ciyaarteydii ugu fiicneyd.

Ma aanan hubin sida uu ii arkayay. Miyuu I jeclaa? Miyuu igu faraxsanaa ciyaarta aan ciyaaray? Sidaasi darteed tababar kasta iyo kulan kasta waxaan si weyn isagu dayi jiray inaan soo jiito Rafa Benitez.0232814B000005DC-3136408-image-a-20_1435087005297

FERDINAND: Chelsea ayaa ku xiiseyneysay. Miyaad ka qoomameyneysaa inaadan ka hoos shaqeynin Jose Mourinho? Waa tababare koobab kala duwan ku soo qaaday wadamo kala duwan?

GERRARD: Waan jeclahay tababarha, waana jeclaha ninkaas, waxaan muddo sannado ah la lahaa xiriir fog laakiin waan ka qoomameynayaan inaan u ciyaarin ninkaas iyo tababarahaas sababtoo ah waan ogahay inuu iga dhigi lahaa ciyaaryahan ka fiican sida haatan. Waan ogahay inuu ku guuleysan lahaa koobab ka badan inta aan haatan ku soo guuleystay. Laakiin marka aan haatan gadaal u fiiriyo wax qoomamo ah kama qabo inaan saxiixin Chelsea. Kama qoomameynayo gabi ahaanba taas.Chelsea's Jose Mourinho shakes hands with Liverpool's Steven Gerrard at full timeWaan ku faraxsanahay go’aanka aan gaaray. Xiriirka weyn ayaan la lahaa Liverpool kooxda magaaladeyda. Mararka qaar guulo kuma gaarin Liverpool laakiin aniga ahaan arinka waa ay igala weyn tahay ku guuleysiga koobab. Waxaa igu weyn xusuusta iyo jaceylka iyo waxa ay xusuustaas u dhiganto. Inaan afar ama shan koob la qaado Liverpool ayaa iigala weyn inaan 10 ama 11 koob la qaado Chelsea.29E6623C00000578-3136408-image-a-41_1435093756794

FERDINAND: Waxaan xusuustaa anigoo TV-ga daawanaya bil ka hor ka dib ciyaartii Manchester United 0-3 Liverpool ee bishii March 2014 markii aad dhunkatay kaamirada. Waxaa I qabatay inaan ku soo boodo TV-ga.

GERRARD: Anigaba waxaan ku fekerayay in ciyaartoyda United ay u dhimanayaan inay ugu feeraan inaan sidaas sameeyo. Laakiin waxa ay aheyd kululeysi, ciyaartoy badan ayaana og inaan sidaas aheyn. Laakiin mararka qaar waxaan ku fekeraa sida aan idinkaga careysiin karo sababtoo ah waad na jahwareeriseen markii aad inooga badiseen 3-0, waxaana maqleynay muusiga qolkiina labiska iyo marka aad qolkeena labiska soo agmareysaan oo aad ku qeylineysaa ‘Yes”

Waxaad isku dhacdeen Daniel Agger laakiin xafiiltanka waa uu dhacaa. Arinta jirta ayaa ah inaadan u ciyaari karin si heer sarre ah haddii aadan xaaladaha sidaas oo kale u dhaqmin ceynkaas.258B238900000578-3136408-image-a-35_1435097058591

FERDINAND: Aan ka hadlno niyadjab – xilli ciyaareedkii 2013-14 waxaad ku socoteen hanashada horyaalka. Waxaan xusuustaan gubaabadiina kulankii Manchester City oo aan ka daawanayay TV-ga inaad ku socotaan hanashada horyaalka. Ka dib ciyaartii Chelsea ayaa dhacday…

Ciyaartaas Chelsea, sibxashadii aan sameeyay iyo sida aan taatiko ahaan ugu dhawaanay ciyaarta waxa ay inagu aheyd qibrad yari aan muujinay ciyaarta oo dhan, waxaana isku dayaynay inaan ka yaabsano Chelsea.

Kooxo badan oo aan la ciyaarnay iyaga ka hor si raaxo leh ayaan uga yaabsanay. Sidaasi darteed jawiga waxa uu ahaa mid weyn waqtigaas. Madaama aan qaab ciyaareed fiican iyo natiijooyin fiican ku jirnay isla taatikadii aan kooxaha yar yar kala hortageynay ayaan kala hortagnay Chelsea, mana aysan aheyn qaladka Brendan.Steven-Gerrard-slips

Waxaan maqalnay in Chelsea ay isbedelo ku sameyneyso shaxdeeda, waxaana nagu jirtay kalsooni weyn; waxaa isdhaheynay: ‘Waad ka yaabsan doontaan’, laakiin waxaan qabnaa inaan dhayalsanay awooda Mourinho. Waa uu yimid waxaana uu ku ciyaaray ciyaarta, waa uu inooga ciyaaray. Waxa uu kooxdiisa ka dhigay kuwa ay adag tahay in la garaaco. Meel walba waa uu iska soo dhisay.

Waxa uu inooga ciyaaray ciyaarta, xitaa ciyaarta ka dib wuxuu yiri: ‘Waxaan u nimid inaan xaflada uga ciyaarno’. Sibxashadeyda waxa ay aheyd waqti xun, shaqsi ahaan aad ayay iigu xumeyd. Ma jirto maalin i dhaafta oo aan ka fekerin sibxashadaas. Waxaan isweydiiyaa “Maxaa dhici lahaa haddii aanan kufin?

Arinta maka duwanaan laheyd sideey ku dhamaatay? Natiijo ka duwan miyaa soo bixi laheyd? Malaha waa laga yaabaa inay ka duwanaan laheyd, ma aqaano. Laakiin xitaa weli kufitaankeyga waxa uu ahaa nusa saac ka dib markii ay ciyaarta socotay [Xaqiiq ahaan waxay dhacday ku dhawaad waqtigii nasashada] waxaana heysanay weli waqti aan ku helno barbarihii aan rabnaySteven-Gerrard-Anfield-Highs-and-Lows

Qibrad la’aanta aan u leeyahay u tartamida horyaalka iyo qibrad la’aanta ka muuqatay kooxda inteeda kale ayaa keentay inaan culeyska saarno sidii aan goolkaas xasidnimda ah ee naga dhashay aan u soo gudi laheyn, waxaana inaga dhuntay wadadii. Waxaan noqonay kuwa goolka kaliya fiiriya halkii aan ciyaarta ka koontarooli laheyd oo aan si xisaaban ku raadin laheyn barbaraha.

Waxaan heystaa xusuusyo fiican oo waligeey ila noolaan doona laakiin kufitaankeyga waa mid waligey i dhaawici doona ilaa iyo maalinta aan ka dhinto sababtoo ah haddii markaas aan wax sixi lahaa waxaan Liverpool la gaari lahaa riyo kasta oo aan qabay. Nin rag ahaan, waa ay dhaawaceysaa.29E6624400000578-3136408-Gerrard_reflects_on_what_might_have_been_when_Liverpool_were_in_-a-56_1435095480935

FERDINAND: Ma u maleyneysaa in Liverpool ay heshay bedelkii Luis Suarez?

GERRARD: Maya – laakiin aniga ahaan in bedelkiisa la helo waa howlgal aan macquul aheyn. Xitaa ka dib markii uu Fernando Torres baxay waa ay adkeyd in durbadiiba bedelkiisa hore laga helo. Suarez ayaana meel lama filaan ah ka soo baxay. Hore umaan aqoonin isaga laakiin waxa uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah. Yaad ku bedeleysaa Luis Suarez? Waxaad u baahan tahay lacag kaash ah oo aan dhamaad laheyn. Ka dib markaas hadana waa inaad isweydiiso ciyaaryahanka ma doonayaan inuu yimaado koox aan Champions League ciyaareynin? Sidaasi darteed waa ay adag tahay in la bedelo. Sturridge waa ciyaaryahan aan la rumeysan karin. Waxa uu leeyahay tayada Torres iyo Suarez laakiin si joogta ah garoonka looguma heyn karo.14C24D4B000005DC-3136408-image-a-47_1435094374389

FERDINAND: Waxaan u imid inaan daawado kulankii Liverpool v Real Madrid – Waan sugi weysnaa sababtoo ah taariikhda labada kooxood. Kursiga keydka ayaad fadhisay ciyaartaas, waxaan ka fekerayay sida ay ii noqon laheyd haddii aan booskaaga ku jiri lahaa?

GERRARD: Waad I taqaanaa. Waxa uu kulankaan ku soo aaday waqti aan ka fekerayay waxa aan sameyn doono sababtoo ah labo jeer oo aan la sheekeystay Brendan waxa uu bilaabayay inuu igala hadlo inuu maareeyo ciyaarteyda.22DA4D7300000578-3136408-image-a-49_1435094542223

Laakiin arintaan waxa ay aheyd mid qariib ah sababtoo ah waxaa lala ciyaarayay Real Madrid waxaana doonayay inaan ciyaaro. Markii la ii sheegay inaan ciyaarnin kooxda darteed, xiriirka igala dhaxeeya Brendan darteed waan aqbalay go’aankiisa. Laakiin waxaan kursiga keydka fadhiyay anigoo murugeysan sababtoo ah waxaan rabay inaan ciyaaro. Waxaana ay igu riixday inaan go’aan ku gaaro inaan baxo oo aan isku dayo wax kale.

FERDINAND: Ma U Maleyneysaa in xafiiltanka kooxaha ka dhaxeeya inay saameyn ku yeelatay in xulka Ingariis uusan koobab ku guuleysanin?

GERRARD: Waa macquul. Waxaan mar walba dareemaa in England ay ku qaadato inay kooxda isfahmaan muddo lix maalmood ah. Marka aad la baxdo xulka England waxaad dooneysaa inaad cuno cunto oo aad iska seexato islamarkaana aad qof walba ka fogaato sababtoo ah waxaa jira xishood. Waxaa la doonayaa in la helo jawi marka aad xulka timaado uu qofba qofka kale yaqaano islamarkaana aad dhamaantiin dooneysaan inaad isla joogtaan. Waxaan fiiriyaa ciyaartoyda ajnabiga ee Liverpool, waxa ay boorsooyinkooda xirtaa isbuuc ka hor mana sugi karaan inay xulkooda ku biiraan. Waxaan qabaa in England laga cagajiido oo la yiraahdo: “Oh waxaan maqnaaneynaa sideed maalmood’ ama “Ma aqaano kaas” ama “Waan xishood badanahay ama waan aamusnaan badanahay.”00435BC800000258-3136408-image-a-33_1435096380071