Bomb blast in Maiduguiri

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatey 30 kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii gabar yar oo 12 sano jirta ay ay fulisey weerar is-qarxin ah dalka Neyjeeriya. Waa weerarkii saddexaad ee todobaadkan ka dhaca oo ay fuliso gabar yar.

Weeraka ayaa dacay maalintii shalay magalada Wagari ee Waqooyi Bari Neyjeeriya, kadib markii gabadha yar lagu soo xirey bom, waxaana ay isku dhex qarxisey suuq dadku dhooban yaay.

“Wuxuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo ay fulisey gabar 12 sano jir ah”, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Hussaini Aisami oo ku dhaawacmey weerarka gabadhana qaraabo la ahaa.

“Gabadhu suuqa ayey soo gashey kadib waxay gaartey halka Badarka iyo cunada qalalan lagu gado, halkaas oo ay isku qarxisey”. ayuu hadalkiisa raaciyey Aisami

Weerarkan ayaa loo badinayaa in ay ka danbeeyaan Boko Xaraam oo gabdho badan u tababaray in ay is qarxiyaan.