Assalamu Calykum WW
Ramadaantu waa fursad qaaliya oo ay adagtahay sida lagu helaa. Waa fursad uu Ilaahay adoomihiisa siiyo sanadkiiba mar, si intoodii shaydaan duufsaday ay ugu soo laabtaan dariiqiisa, intoodii toosnaydana ay khayrka u sii kordhistaan. Ramadaan waa fursad albaabada NAARTA la xidho, kuwa JANADANA la furo. Ramadaan waa fursada shayaadiinta waawayn la xidh xidho si aanay fursadan u seejin dadka khayrka doonaya. Waa bil ay ku jirto habayn ka khayrbadan 80 sano (kun bilood). Hadaan soo koobno waa fursad hadii uu qofku ka faa’idaysto uu noloshiisa ku samayn karo is badal aduun iyo mid aakhiraba. Sidaa darteed walaalayal fursadan ha laga faa’idaysto. Habab badan badan oo fursadan looga faaidaysan karo ayaa jira, fadlan hoos ka daawo qaar ka mida hababkaas.SH.-SAID-ALI-AHMED-495x304