1Isku tashi iyo mashruuc loogu wanqalay Dalkaaga dhiso ayaa lagu taaba galiyay dhismaha AQALKA D/HOOSE ee XAMAR, riyadii halka (1) sano ku dhan la daba taagnaa maanta waa rumoowday, 24 sano kadib haatan ayay noqotay in markii ugu horeysay dib loo hawl galiyo xaruntii looga ariminaayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho OFFICIO GOVERNO, taasi oo xarig ka jarideeda loo dhararayay sida bil ciid oo kale, shaki kuma jiryo in furitaanka xaruntaasi ay tahay Geesinimo lagu Guulaystay iyo Sharaf u soo hoyotay shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan G/Banaadir.
Hal sano ka hor oo ku beegneyd 15-kii mey 2014-kii, xilligaasi oo la dhagax dhigay xaruntaan cidna indhaha ma wada siin Karin BUR-BURKA, WASAQDA, iyo DAYACII la soo gudboonaaday darteed, dad badan ayaa cabsi ka muujiyay in si wana agsan loogu najaxi karo dayactirka dhismaha D/hoose, iyagoo sabab uga dhigayay Baaba’ii xooga badnaa ee daartaasi ka muuqday awgeed, 13 bilood kadib fekerkii horey loo qabay iminka waa uu baaba’ay, rajo xumadii jirtayna waa dhamaatay ,ruux walbaana waxaa u muuqda isbadalka lagu sameeyay OFFICIO GOVERNO, taasi oo quruxdeeda iyo dhal-dhalaalkeeda cid walba aya soo jiidan karto.
Taariiq ahaan dhismaha daartaan waa mid aad u fac weyn waxeyna dib ugu laabanaysaa in ku dhaw 100-sano ka hor, sida la xaqiijiayayna waxey ka mid ahayd xarumihii ugu horeeyay ee gumaysigii TALYAANIGA uu ka hirgIliyay Dalkeena, nasiib waxey daartaani u yeelatay in 12-kii October 1954-kii lagu soo banaaan bixiyay Calankii Soomaaliyeed oo isla waqtigasi la ictiraaqay ama la hindisay, maamulo isugu jiray AJAANIIB iyo SOOMAALI ayaa soo fariistay dhismahaan, iyagoo halkaasi uga ariminaayay dadka rerr Muqdisho, xaqiiqdii xaruntani waxey soo martay waqtiyo farxadeed iyo maamlo murugeed balse sanado badan kadib waxaaa maanta si rasmi ah uga barayay WAA CUSUB oo lagu farxi karo.
In ka badan boqol xafiis iyo hoolal shirar oo aad loo qalabeeyay ayuu dhismahaan maanta la furay ka kooban yahay, bulsho aad u fara badan oo isugu jrtay madaxda Federaalka iyo dad kale oo caadi ah ayaa maanta ka qeyb galay dib u dhaqaajinta goobtaasi, iyadoo uu hoygaasi Qaran uu xariga ka jaray MJFS Md Xasan Sheikh Maxamuud, khudbado u badnaa dar-daaran iyo sidii xaruntaasi hanaan cadaaladeed loogu shaqeeyn lahaa ayaaa halkaasi laga soo soo jeediyay.
Ka hor intii aan maanta xaruntaasi la furin waxaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku soo qul-qulayay hayaan geedi ah oo ka kala imaanayay halka loo yaqaano ANIGARAAF oo ahayd xaruntii ciidanka illaalinta deegaanka Xamar iyo qaar ka soo baxsanaayay xaruntii maamulka G/Banadir ee Degmada Heliwaa, xoogaga goobahaasi ka soo guurayay waxaa ka dhaxeeyay tartan ay cid walba ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd xarunta la habeeyay, masuuliyiin isugu jirta Gudoomiyayaal, Agaasimayaal ciidaa ama caradaa ka badan oo is dulsaaran, Kaaliyayaal, Madax waaxeedyo iyo kuwa kale ayay durbaba xaruntaasi marti galisay, kuwaasi oo walli ku guda jira iney isugu hambalyeeyaan xaafiisyada cusub oo ay ka heleen OFFICIO GOVERNO.
Ragga iyo hablaha madaxda ah ee nasiibka siisay iney ummadda uga adeegaan Aqalka D/Hoose nadiif ma wada aha, dareenka la qabaana wuxuu salka ku hayaa in xaruntaani cusub ay la kowsato KU TAKRI FAL XAFIISEED iyo MUSUQ-MAASUQ ay ku caan baxeen qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha D/Hoose, dhaqan ahaan dadka danta ka yeesha xafiisyada G/Banaadir waxey dhibsadaan BERI SOO NOQO …MAANTA AGAASIMIHII MA JOOGO.. MA HAYSATAA HAWL FUDUDEYN, iyo tan ugu daran oo ah in hal warqad oo kaliya ay isla wada saxiixaan illaa iyo shan Agaasime iyo in ka badan kalsooni darida jirta awgeed, taasi oo muwaadin kastaa dhib ugu filan, maadaama saxiixayaashaasi faraha badan uu midba maalintiii uu doono uu iska maqnaanayo.
Inkastoo Aqalka cusub ee D/Hoose la qurxiyay lagana dhigay goob casri ah oo dadka loogu qidmeyn karo ayaa haddana haddii halkaasi lala yimaado Tacadiyadii dadka loogu geysanayay ANIGARAAF iyo HELIWAA, wallee waxaa hubanti ah inaan xaruntaasi la sii jeclaan doonin, quruxdeedana ay halkaasi ku qiima beeli doonto, tacab qasaarna waxaa Qaranka Soomaaaliyeed ugu filan iney xaruntani hoy u noqoto goob dadka lagu dhibaateeyo , laaaluush uuna u furan.
Mar haddii la hawl galiyay xaruntii la wada sugayay waxaa D/Hoose ee Muqdisho la gudboon in ay isbadal iyo wax qabad dhab ah la timaado, Habaca jiraana ay ka gudubto, Horumarka laga sugaayo ay ku talaabsado, Deg-degta iyo fud-fudeyda lagu xantana ay yareyso, Musuq maasuqa hareeeyay ay ka baxdo, Shaqaalaha mushaar la’aanta ah ay xaqooda siiso, iyo meel marinta adeeg walba oo ay u xil saaran tahay, ma sahlana gaarista yoolalkaasi balse waxaa dhab ah haddii daacadnimo lala yimaado in la guulaysan karo illaah idinkiis.

234