safar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa lagu eedeeyaa in ay safarradiisu tirada ka bateen. Kartuuniste Amin Amir oo badiyaa siyaasadda sawira ayaa ku soo qaatay kartuun uu dhowaan sameeyay. Waa Madaxweynaha oo markaas safar ka soo laabtay oo la taliyeyaashiisa weydiisanaaya in uu jiro shir kale oo caalami ah oo uu ka qeyb geli karo.

Maqaalkaan waxaan ku soo bandhigayaa waxa ii soo baxay ka dib markii aan baaritaan ku sameeyay in waxa laga sheegayo Madaxweynuhu ay sax yihiin iyo in kale. Baaritaan aan ugu fiirsanayo ayaan ku sameeyay safarradii Madaxweynaha ee 2013: xaggee booqday, muddada uu joogay, ujeeddada iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah waxa ku baxay iyo waxa laga faa’iiday iyo in kharashkaas loo isticmaali karay wax ka muhiimsan safarka Madaxweynaha.

Advertisement

Macluumaadka waxaan ka helay in aan u fiirsaday wararka ay qoreen baraha internetku, oo ayagu si joogta ah u qora dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin safarrada Madaxweynuhu uu dibadda ugu baxo. Iyo waxaa kale oo aan eegay miisaaniyadda Laamaha Dowladda aniga oo wareysiyo ka qaaday xiriirro muhiim ah oo aan Dowladda ku leeyahay (kuwa hore iyo qaar hadda ahba).

Madaxweyne Socdaal badan

Tan iyo 2013 Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu dalka ka maqnaa 198 maalmood oo uu ku maqnaa 61 safar oo dalka dibaddiisa uu ugu kicitimay. Wuxuu booqday Burundi, Djibouti, Masar, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Rwanda, Koofur Afrika, South Sudan, Sudan, Uganda, Belgium, Denmark, France, Germany, Italy, Turkey, UK, US, Imaaraadka Carabta, Urdun, Sucuudiga, Kuwait, Qatar iyo Japan . Sida ka muuqata Jaantuuska Koowaad, wakhtiga ugu badan ee safarradiisa wuxuu Madaxweynuhu ku qaatay Amerika iyo Yurub, halkaas oo uu ku maqnaa isu geyn 88 maalmood, Mareykanka ayaa ugu sii badnaa oo uu joogay 32 maalmood. Sannadka 2013 keliya, Madaxweynuhu wuxuu dalka ka maqnaa 92 maalmood. Siiba bilaha January iyo February wuxuu Madaxweynuhu dalka ka maqnaa 25 maalmood. Sannadka 2014 wuu dhaamay sannadkii ka horreeyay. 2014 wuxuu Madaxweynuhu dalka ka maqnaa 79 maalmood.

jadwalka

Inta badan ujeeddada safarradani waxay ahayd salaan ama ka qeybgal shir caalami ah oo aan muhiimad gooniya u lahayn Soomaaliya, kuwa aan tiro badneyn marka laga reebo. Shirarka muhiimka ah waxaa ka mid ahaa shirkii New Deal ee September 2013 oo 2 maalmood socday.

Shirarka kale ee Madaxweynaha lagama dhaxlin siyaasad ama hadaf siyaasadeed. Lagumana geerin heshiis kor u soo qaaday nolosha Soomaaliya.

Waxaa kale oo ii soo baxay in hantida Qaranka ee sida ku khaladka ah loogu kharash gareynayo safarrada dibaddu, ay ka sii dartay markii uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaaraha hadda jooga Cumar Cabdirashiid oo dalka dibadda uga maqnaa 33 maalmood oo ka mid ah 100 maalmood ee ugu horreysay. Safar uu ku tegey Qatar wuxuu horkacayay wafdi ka kooban 25 xubnood. Hadda oo aan qorayo maqaalkaan, isaga iyo ku xigeenkiisuba waxay ku maqan yihiin safarro dalka dibaddiisa ah oo dalal badan ay isu marayaan. Sidoo kale waxaa dibadda ku maqan Wasiirro dhowr ah iyo Madaxweynaha oo Koofur Afrika u ambabaxay.

Maxaa ku baxa safarradan

safar1

Waa muhiim in la fahmo in Dowladda Soomaaliya ay horyaallaan caqabado tiro badan ayna hadda ku shaqeyso beekhaaminta miisaaniyadda. Sannadkii 2013 dakhliga Dowladdu wuxuu ahaa US$110 milyan, sannadkii 2014 kor ayuu dakhligu u kacay oo wuxuu gaaray US$142 milyan. Dakhligaas badankiis waxaa lagu bixiyay Xafiisyada muhiimka ah ee Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga. 2013 iyo 2014 miisaaniyadda Madaxweynuhu waxay ahayd $3.7 milyan iyo $4.3 milyan. Saraakiil Xafiiskiisa ka ag dhow waxay sheegeen in Madaxweynaha ay safar kasta u raacaan celcelis ahaan inta u dhexeysa 12 iyo 18 qof oo isugu jira amni, habmaamuus, la talin, saxaafad, Wasiirro iyo xubno qoyskiisa ah. Kharashka tikidhada, jiifka, raashinka iyo kharashka kale waxaa safar kasta ku baxaya $40,000 halkii maalin. Inkasta oo laga yaabo in ay ka sii badan tahay.

Qiyaastu waxay tahay in safarrada ay tiradoodu tahay 192 ee uu Madaxweynuhu dalka dibadda uga dhoofay tan iyo 2013 in isu geyn kharashka ku baxay uu yahay $8 milyan uu u dhiganta in sannad kasta uu Madaxweynuhu safar ku kharash gareeyo $4 milyan.

Waa nasiib darro in aan la arag safar muhiimaddiisu ay qiil u noqon karto in Madaxweynuhu uu lacag intaa la’eg ku kharash gareeyo ayada oo miisaniyadda dowladdu ay aad u yar tahay.

Maxaan ku qabsan karnay $8 milyan oo ay noo goyn lahayd?

Dhaliisha Madaxweynaha loogu soo jeediyo in uu safar badan yahay waxaa loola dan leeyahay in la muujiyo in kharashka loo isticmaali karay in lagu xalliyo dhibaatooyin deg deg ah oo ka muhiimad badan safarka. Waxaa ka mid ahaan kara dib u dejinta barakacayaasha Muqdisho, wax u qabshada shakhsiyaadka caanka ku ah dhaqanka, hiddaha iyo fanka Soomaaliyeed ama in militeriga lagu xoojiyo.

 

Bishii June 2014 waxay hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ku qiyaastay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 1.1 milyan oo dalkooda ku dhex barakacay. In ka badan 364,000 oo dadkaas ka mid ahina in ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin haween iyo gabdho. Dhibaatada haysata barakacayaasha Muqdisho ku sugan waa mid ay si wanaagsan wax uga qoreen hey’adaha xuquuqda Aadanuhu, Human Rights Watch (HRW) iyo Amnesty International. Laba ka mid ah xeryahaasi waxay ku yaallaan Madaxtooyada labadeeda dhinac. Marka aad Uganda House oo Madaxtooyada ku dhex yaal aad dul fuusho, wey kuu muuqdaan xeryahaasi.

somalis

Sida ay qortay warbixinta HRW, Barakacayaashu waa dad dhib badan uu ka haysto kufsi iyo faraxumeyn ay dad hubeysani kula kacayaan, waxaana dadkaas hubeysan ku jira ciidanka dowladda iyo kan AMISOM.

Dabcan haweenkaas iyo gabdhahaasi way arkaan kolonyada Madaxweynaha oo si xowli ah ugu socota Waddada Maka al Mukarrama marka uu Madaxweynuhu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo laabto. Gef ma aha in la sheego in xaaladdooda noloshu aysan kor u kicin, tan iyo markii Xasan Shiikh uu xilka qabtay. Laakiin haddii Madaxweynuhu $8 milyan ee safarradiisa ku baxay uu u qoondeyn lahaa Barakacayaashaas deriskiisa ah, Soomaaliya saas ayaa u roonaan lahayd.

Koox kale, oo Barakacayaasha ka tiro yar, laakiin uu dhibka haysta in wax laga qabto ay muhiimad weyn leedahay waa fannaaniinta Qaranka oo sannado badan naga haqab tiray muusigga,gabayda iyo bandhig faneedyada heerka sare ah ee ay qaban jireen beri samaadkii toddobaatanaadkii iyo siddeetamaadkii. Fannaaniintaas weligood ma qiyaasin in ay ku noolaan doonaan xaaladda ay maanta ku jiraan ayada oo ay Villa Somalia sidaas ugu dhow dahay. Ayada oo tiyaatarkii oo dunsan uu dhinaca ku haayo, Madaxweynahooduna uu safarro dibadaha ah isaga gooshaayo xaaladdoodana dan uu ka lahayn. Cabdi Tahliil Warsame oo caafimaadkiisu liito wuxuu ku nool yahay meel aan u qalmin. Cabdi Tahliil haddii aadan aqoon wuxuu fanka Soomaaliya uga jiraa kaalinta Elvis iyo Michael Jackson oo kale.

al-fanaan Cabdi tahliil
al-fanaan Cabdi tahliil
Ugu dambeyntii markii uu gargaar caafimaad helay, ma ahayn mid ay Dowladdu u fidisay. Wuxuu ahaa mid ay taageerayaashiisu abaabuleeen. Haddii Madaxweynuhu go’aansan lahaa in uu safarradiisa dhimo, waxaa laga yaabaa in lacag ku filan loo heli lahaa oo lagu taageero fannaaniinta sida Cabdi Tahliil oo kale ah. Madaxweynuhu waa awooday in uu dhimo safarradiisa si ay fannaaniinteennu ay ugu noolaadaan si sharaf leh, taas oo ay muteysteen xaqna ay u leeyihiin.

Dowladdu waxay mar kasta sheegtaa in amnigu yahay yoolkeeda ugu muhiimsan. Sidoo kale amnigu wuxuu si muhiim ah uga mid yahay lixda tiir ee Madaxaweynuhu sheegay in siyaasaddiisu ay ku saleysan tahay. Laakiin xaaladdu waxay ka marag kacaysaa taas wax ku lid ah.

Miisaaniyadda militeriga 2014 waxay in yar ka badnayd $49 milyan, oo loogu tala galay in militeriga Muqdisho lagu daryeelo, laakiin askarta magaalada joogtaa mushaarkooda si joogta ah uma helaan. Miisaaniyadda militeriga waxaa mas’uul ka ah oo maamula nin ay madaxweynaha isku beel hoose yihiin, Abdullaahi Maalin Nuur, oo sida uu lacagta militeriga u maamulo aan ku soo bandhigi doono maqaal aan soo wado.

Askarta ku sugan meel ka baxsan caasimaddu waxay nasiib leeyihiin haddii ay saddexda wakhti ay mid ka mid ah helaan wax ay cunaan. Dhacdada aan sheegi doono waxay muujineysaa sida ay lidka isugu yihiin hadalka uu Madaxweynuhu kor u sheego iyo ficilkiisu. 31-kii July 2014, wuxuu Madaxwynuhu booqday Garbahaarey. Waxaa soo dhoweeyay ciidan dowladda ka tirsan oo al Shabaab dagaal kula jiray in ka badan laba sano ayaga oo aan dowladda Federaalka ka helin kaalmo. Markii taliyihii ciidankaasi uu Madaxweynaha u sheegay in aan ciidanku weli wax mushaar ah qaadan, Madaxaweynuhu wuxuu ku jawaabay dhaqaale xumo in ay jirto, wuxuuna u dhiibay $2,000 in uu u qeybiyo ciidanka. Waxaa askari kasta soo gaaray wax aan dhammay hal dollar. Saddax maalmood ka dib, Madaxweynuhu lacag wuu u hayay in uu wafdi ka kooban 12 ruux uu u hoggaamiyo Washington, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika. Tikidhada keliya ayay ku baxday $120 kun oo doollarka Mareykanka ah. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wiilkiisa oo tikidkiisa business ah oo magaalooyin badan isu marayay ay ku baxday lacag ku dhow $10,000.

Siddeed maalmood ee Madaxweynuhu safarkaas ku maqnaa, asaga iyo wafdigiisa lacagta ku baxday waxay kor u dhaaftay $300 oo kun oo doollar. Arrintani waxay tusaale cad u tahay sida Madaxweynuhu ugu takri falo maaliyadda Qaranka, isla markaasna uu saameyn toos ah ugu leeyahay sababta ay dowladdu ugu fashilantay in ay xoojiso dhismaha hey’adaha Qaranka, Shabaab in ay ka adkaato iyo in ay hagaajiso amniga Muqdisho. Intaan qoraalkan waday waxaa soo baxday in degmada Toora-Tooorow ay iaskaga baxeen ciidankii dowlada mushaar la’aan owgeed iyo shaqaalahii dowladda oo afar bil mushaar la’aan ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha safaraddadiisu aad ayay u tirio badan yihiin, una qaali badan yihiin, wax macna lehna kuma soo kordhiyaan xallinta mushkiladaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatada dadka Soomaaliyeed. Wuxuu $8 milyan ku kharash gareeyay safarradiisa, lacagtaas oo loo adeegsan karay in wax looga qabto dhibaatooyinka faraha badan ee dalka haysta. Waxaan hubaa in uu igu raaci lahaa in dhibaatadada Soomaaliya ay tahay mid gudaha ka socota oo aan lagu xallin karin in la booqdo caasimado dibadda ah. Haddii ay ka dhab tahay in uu doonayo in uu Soomaaliya Dowladdeeda madax u ahaado, waa in uu dhaqaalaha u soo duwo dalka.

W. Q. Hirsi Ashkir
hirsiashkir@gmail.com