amricaWaxaa si habsami ah uga soconaya Dalka Chile Koobka 4 sanadlaha ah ee Laatin America 2015 oo ay sanadkaan ka qeyb galayaan 12 Wadan kuwaasoo 8 ka mida ay u talaabi doonaan Lugta 8 ee Tartankaan.
Ilaa iyo hada Xulalka ka haray Koobka waxa ay kala yihiin Wadamada Ecuador iyo  jamaica waxaana la sugayaa saacadaha soo socda 2 wadan ee kale oo kula biiri lahaa ka haritaanka Wareega 8 oo ah mid next Out ah looguna gudbi doono kan sami finalka
Koobka Sanadkaan 2015 ayaa u muuqda mid Culus oo aan wali lagu kala bixin,waxaana 6 wadan e eka soo gudbaya 3 Guruub ee kala ah Guruub A,Guruub B iyo Guruub C ku biiri doona 2 dal ee ugu Dhibo bata Wadamada gala Kaalinta 3 ee Guruubyada.
Guruub A.
Chile    4 Dhibcood
Bolivia   4 Dhibcood
Mexico  2 Dhibic
Ecuador  0
Meertada 3 waxa ay isku arki doonaan Xulalkaan
Chile vs Bolivia Waxa ay wada leeyihiin min 4 Dhibcood kulankoodu waa mid adag ,iyadoo Xulka martida loo Yahay uu Culeys saari doono sidii uu uga gudbi lahaa Bolivia,halka Bolivia ay iyaguna ku dadaali doonaan sidii ay u tiigsan lahaayen u soo gudbida wareega 8
Mexico vs Ecuador. Ciyaartaan Xulka Mexico hadii ay badiyaan waxa ay u soo gudbi doonaan wareega 8 Maadaama ay leeyihiin 2 dhibcood,halka Ecuador ay ka hartay Tartanka
Guruub B.
Argentina    4 Dhibcood
Paraguay    4 Dhibcood
Urugway     3 Dhibcood
Jamaica     0
Meertada 3 ee Lugta hore waxa ay isku arki doonaan sidaan
Argentina vs Jamaica. Xulka Argentina waxa uu xooga sarai doonaa sidii uu ugu soo bixi lahaa Kaalinta 1 ee Guruub B,halak Jamaica ay hareen
Paraguay vs Urugway.Ciyaartaan waa Elclasico Meertda 3 waa Ciyaar adag labada Xul mid kasta waxa uu xooga saari dooana badiska,Urugway rajadeedu waa badis kaliya,halka Paraguay ay ku soo baxaan barbardhac ama badis
Guruub C.. Guruubka lagu kala baxayo Meertada 3 Badis kaliya
Brazil           3 Dhibcood
Colombia      3 Dhibcood
Venazuela    3 Dhibcood
Peru             3 Dhibcood
Guruubkaan C Waa Guruubka Dhimashada waxaana lagu kala baxayaa 21 juun 2015 Hadii Alle idmo.
N.B  Sadaalin Ma dhabaa inay Wareega 8 u soo bixi doonaan Wadamada
Chile
Mexico
Argentina
Paraguay
Brazil
Colombia
iyo Wadamada Bolivia iyo Urugway oo lagu biirin doono 6 wadan ee soo baxaya kuwaasoo ku noqonaya 8
la arki doonee saadaasha aan sameeyay inay rumowdo Koobka America 2015 Lugtiisa wareega 8