Warbaahinta afka  Al Shabaab ku hadasha, ayaa lagu baahiyay sawiraan muujinaaya meydadka askar ka tirsan Ciidanka Militariga Itoobiya, ee qaybta ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

Muuqaalada la soo bandhigay, ayaa waxaa ka soo muuqday tiro gaadiid ah oo sida ay Shabaabku sheegeen Ciidanka Itoobiya looga gubay dagaalkii qaraaraa, ee ku dhex maray deegaanka Buulo Jameeco, oo 20km u jirta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Labada dhinac, ayaa 11-kii bishan isaga horyimid dagaal qaraar, dagaalka waxa uu soo gaaray 12-kii bishan, waxaana dagaalkaasi lagu sheegay noociisii ugu xooganaa oo sanadkan ay isaga horyimaadaan.

Al Shabaab, ayaa sheegtay inay gubeen 13 ka mid ihi gaadiidkii ay wateen Ciidanka Itoobiya, sidoo kalana ay kala wareegen gaari kale, kaasoo sida ay sheegeen gacantooda ku dambeeyay.

Afhayeenka Guud ee  Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay ku dileen in ka badan 33 ka mid ah Ciidanka Militariga Itoobiya.

Warbixin ay soo saartay Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay Shabaabku inay isku dayeen, inay la wareegaan gargaar ay galbinayen Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ha yeeshee laga hor istaagay.

Weerar92Weerar92Weerar93Weerar94

WeerarWeerar1Weerar2Weerar3Weerar4Weerar5Weerar6Weerar8Weerar9Weerar91Weerar7