BednerWeeraryahanka Wolfsburg oo ah taageere baraha bulshada Nicklas Bendtner ayaa saakay ka yaabsaday dadka isticmaala baraha ay bulshada wax ku wadaagto kadib maekii uu soo dhigay kaftan layab leh oo ah inuu noqonayo ra’isul wasaraaha Denmark.

Ciyaariyahankii hore ee Arsenal oo 27 sano jir ah ayaa xil ciyaareedkii dhmaaday ku qaatay kooxda Wolfsburg xili ciyaareed xun inkastoo uu kooxda kula guuleystay DFB-Pokal sidoo kalena ay kaalinta labaad kaga dhameysteen Bundesliga wuxuuna dhaliyay kaliya hal gol kadib 18 kulan oo uu koxda kasoo muuqday.

Laakin qaab ciyaareed xumadiisa garoonka ayaana ka joojiyan inuu ku maadeysto baraha bulshada isagoo xalay soo dhigay bartiisa Instagram ka sawir uu ku muujinayo inuu yahay musharax u taagan hogaamiyenimada daliisa.

Bedntner

Wuxuu ku soo qaray bariisa rasmiga ah ee Instagram ‘Weyne’ Bendtner” wuxuuna is saaray sawirka weeraryahanka Barcelona Lionel Messi oo sare u haya mid kamid ah Ballon d’Or da uu ku guuleystay.

Bendtner ayaa si cad u sheegay inuu u codeen doono ra’isul wasaarihii hore ee dalkaasi Lars Lokke Rasmussen kaasoo doonayo inuu meesha kasaaro hogaamiyaha haatan ee Helle Thorning-Schmid.