Kooxda kubadad cagta Banaadir SC ayaa galabta marki ugu horeysay guul ka gaartay kooxda Jeenyo kualn  katirsan  horyaalka kubada cagta Dalka Nationlink Championship 2014-15 oo ay labada koox ku yeesheen garoonka Banaadir.
Kabtanka Banaadir Daadir Amiin Cali oo No. 7 U qaata  ayaa kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadi 11-aad  bilowga hore ee ciyaarta , iyadoo garoonka ay ruxeen taageerayasha Banaadir uu baadigoob ugu jiray in ay markoodi ugu horeysay arkaan guul kooxdoodu ka gaarto Jeenyo,
Laacibka No 8 ee Jeenyo Xasan Cabdinuur  Geeseey ayaa sigay goosha Banaadir kadib markii laad xor ah birta goosha  ku dhuftay  waxaana qaybta hore lagu kalanstay   1-0.
Marki laysku soo laabtay  kooxda Banaadir ayaa hogaanka dheeraysaray waxana mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadi 50-aad Daadir Amiin Cali oo ay maalinkiisa ahayd.
Jeenyo oo aan looga baran in ay quusato ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-1 waxaana u saxiixay Xasan Tubbo oo no.3 u qaata, iyadoo dadka qaar ay maleeyeen in ay mar kale jeenyo goolal kale dhalin karto sidii dhacday 2 Maarso, basle difaaca Banaadir ayaa ka diiday.
Daqiiqadi 90+3 waxaa Banaadir SC Calaamada Roosaha ka qaatay C/laahi Cabdiraxmaan oo No 16 u qaata waxayna ciyaarta ku idlaatay  2-1 oo ay guusha ku raacday Banaadir SC taasoo ka dhigan in ay guushi ugu horeysay dhamaan tartamada Ka gaaraan jeenyo.
Guusha Banaadir ayaa dhanka kale Heegan ku gacan siisay in ay xaqiijiyaan hanashada Horyaalka, Heegan ayaa leh 36 dhibic 16 kulan ay ciyaartay waxayna  taas ku heshay hanashada horyaalka kubadda cagta dalka 2014-15, kooxaha ku soo xiga Banaadir oo 17 kulan ciyaartay ay leedahay 32 dhibci halka Jeenyo 17 kulan ciyaarta ay iyana leedahay 31.
Ku guulaysiga horyaaalka ee kooxd Heegan ayaa ka dhigan in ay  Soomaliya Matali doonta ciyaaraha  Kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee  bisha July ee sanadkan dhici doona.

IMG_6626

IMG_6629IMG_6645IMG_6649IMG_6652IMG_6656IMG_6664IMG_6680IMG_6698IMG_6740IMG_6759IMG_6812IMG_6833IMG_6858IMG_6871IMG_6879IMG_6884IMG_6892IMG_6911IMG_6739IMG_6759IMG_6812IMG_6833IMG_6858IMG_6871IMG_6879IMG_6884IMG_6892IMG_6911IMG_6934IMG_6942IMG_6953IMG_6959IMG_6982IMG_7015IMG_7010IMG_7015IMG_7024IMG_7026IMG_7037IMG_7040IMG_7042IMG_7046IMG_7065IMG_7085IMG_7120IMG_7124IMG_7140IMG_7149IMG_7230IMG_7272IMG_7286IMG_7309IMG_7317