Sida caawa oo isniin ah lugu shaaciyey jaraa idka ugu aqriska badan dalka England ee Daily Mail, weeraryahanka Liverpool Raheem Sterling ayaa xaqiijiyey inu ka tagayo Liverpool, wuxuuna macalinkiisa u sheegay inuu soo dhamaaday waayihiisi Reds.

Warar lugu kalsoon yahay ayaa sheegay in Reds asbuucan wada hadalo kala bax ah la yeelan xiddigan orodka badan, xilli uu si cad macalinkiisa ugu sheegay doonitaankiisa ah inuu baxo.

Sterling ayaa lugu soo waramaya inuu si cad oo aan leex leex ahayn macalinkiisa ugu sheegay inuu ka tagayo Anfield ka dib markii uu soo dhamaaday kulankii barbaraha 1:1 ah ee ay la galeen Chelsea.

Waxaa sidoo kale la sheegaya in xiddigan uusan ku faraxsanayn kooxdiisa maadaama uu asbuucii lacag ahaan u qaato £35,000.

Afarta kooxood ee ugu waa wayn Premier League Chelsea, Manchester City, Arsenal and Manchester United ayaa dhamaantood hada dhegtu u taagan tahay, waxayna daawanayeen horumarada uu samaynayo xiddigan reer England.

Real Madrid, Bayern Munich and Juventus ayaa sidoo kale xiisaynaya 20 sano jirkaan daafacyada orodka ku daaliyey, waxayna dhamaantood doonayaan inay soo gudbistaan dalabkooda ku aadan Sterling.

Waxaana la eegi doona waxaa kasoo baxa wada hadalada kala baxa ah ee dhexmara xiddigan iyo weliba kooxdiisa isagoo qandaraaskiisa Anfield uu uga harsan labo sano.sterling