MINNESOTA: “Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Muddulood oo booqday boqor Burhaan Boqor Muuse”

FullSizeRender

Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay booqasho mas’uuliyiin isugu jira siyaasiin iyo waxgarad ka soo jeeda beelweynta- mudulood ugu tageen Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqor Soomaliyeed, gaar ahaan beelweynta-Daarood, iyadoo ay booqasho sharaftaasi ay dhacday taariikhdu markey aheyd April 6th, 2015.

Mas’uuliyiinta Mudulood oo uu hoggaaminaayay Siyaasi Abdulle Hassan Nurrow, waxay Boqorka ku booqdeen Hotelka uu ka degan yahay magaalada Minneapolis, boqorka oo dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay booqashooyin ku kala bixinaayay qaar ka mid ah goballada dalka Mareykanka, gaar ahaan goballadda ay ku badan yihiin jaaliyadaha Soomaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muse ayaa aad u soo dhoweeyey mas’uuliyiintii booqashada ugu tagtay, asagoo xusay inay booqashadoodu dib u xusuusinayso xariirkii soo jireenka ahaay ee ka dhexeyn jiray labada (2) beelood, asagoo ballan qaaday inuu u istaagi doono sharuud la’aan dib u soo celinta midnimada Soomaaliyeed.

Waxaa isna kulankaas khudbad qiimo badan oo taabanaysay dhinacyo badan ka jeediyay siyaasi mudane Abdulle Hassan Nurrow oo si qotto-dheer uga hadlay xariirka faca-weyn ee labada beelood, asagoo carrabka ku adkeeyey inuu gaabis soo galay xariirkii soo jireenka ahaay muddooyinkaan danbe, gaar ahaan xilligii uu Cabdiraxmaan Faroole madaxda ka ahaay dowlad goballeedka Puntland, balse hadda la haysto fursad dib looga jafi karaayo boorka.

Waxaa iyaguna kulankaas ka hadlay Islaw Ahmed Islaw Mohamoud oo ku hadlay magaca Imaamka beelweynta-Mudulood, Islaw Asad Islaw Mohamoud iyo Garaad Dr. Mohamed Mohamoud Afrah (Shutul), iyagoo Boqorka u ballan qaaday inay gacan ka siin doonan sidii Soomaali loo mideyn lahay, si looga guuleysto qaar kamid ah dowladaha deriska oo ku riyoonaaya inay si dadban mustaqbalka Soomaaliya u gumeystaan, iyagoo marka hore Soomaliya ka dhex dhisaay is-maamul goballeedyo magacyadooda qarsoon uu yahay Killinka 6-aad, 7-aad, 8-aad, iyo Somali-Kenyatti.

Kuwa maanta Siyaasada Soomaliya hor-boodaayana intooda badan, mudnaantooda kowaad waxay tahay sidii ay xariiir xooggan ula yeelan lahaayeen madaxda dowladaha deriska ah, si ay u noqdaan madaxweyne-Killin, amba Ismaamul-goballeed ku saleysan qabiil-shaati loo geliyay , ilaaheeyow Somali wey sigan tahay ee adigu samatabixi.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadishu, Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*