Agaasimaha waaxda dakhliyadda kala duwan ee Gobolka Md Cabdiraxmaan Muxudiin maxamed ayaa ka badbaaday isku day dil qorsheysan oo u muuqday mid la soo maleegay oo larabay in lagu qaarijityo xili uu galaayay gurigiisa

Dilkaasi qorsheysan oo ay kooxo hubeysan ay soo maleegeen Habiinkii xalay ahaa abaarihii 10kii habiinimo hoygiisa oo ku yaala dgmadda C/casiis ee magaladda muqdisho.

Agaasimaha ayaa sheegay in kooxo hubeysan ee uu ku qiyaasay inay ay dhamaayeen laba ilaa sedex ruux kuna hubeysanaa hubka Fudud ee loo yaqaan AK 47 ay tacshiirad huwiyeen isaga oo xili uu galayay hoygiisa, iyadoo ay weliba wehlisay Xaaskiisa.

Agaasimaha ayaa sheegay in kooxahasi ay rasaas aan loomeel dayin ay oodda kaga qaadeen gaarigii uu watay iyadoo uu xaaskiisa soo gaaray dhawac haatan lagu baxnaaninaayo mid ka mid ah cusbitaladda magaladda muqdisho.

Mar wax ka weydiinay kooxaha soo weeraray iyo heybtoodda hadii lagartay waxaa uu sheegay agaasimaha waaxdda dakhliyadda kala duwan ee dawladda hoose Md Cabdiraxmaan muxudiin maxamed in la ogaaday cidda ay yihiin iyo halka ay duulaanka ka soo baxeen, Balse waxaa uu intasi raaciyay inuu la wadaagaayo Arintaasi Hay,adaha Amniga qaranka oo iysagu u xilsaaran wixii ay ka soo baxana uusan ka hor dhaceynin.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????