new-mudug mayor

Col. C/qaadir oo runtii ah shaqsi aan si fiican u aqaano, waa haldoor gobal loo magacaabay waqtigii ugu haboonaa, waxaan oran karaa balan qaadkii, madaxweynaha puntland mudane abdiwali gaas ee halku dhiggiisu ahaa, “shaqo kasta qof ku haboon/right person to the right position ” Waa rumoobay maashaallah.
Marka hore waxaan leeyahay illaahay ha u fududeeyo hana ku nabad yeelo shaqada iyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, Saaxiibkayga qaaligaa, Col. Abdulqaadir oo aanu wax badan ka soo wada shaqeenay meelo badan oo soomaaliya iyo maraykanba ah.
Waa shaqsi hufan, xishood badan, wadani ah, masuuliyadda u qaatay sida ay tahay, magac iyo sharaf sare ku dhex leh bulshada soomaaliyeed gaar ahaan reer puntland ee seattle Washington.
Waana aqoonyahan ka ku xeel dheer siyaasadda iyo ciidama asagoo ah Col. Buuxa oo dowladii dhexe ee soomaali ka mid ahaa qaasatan police department. Dalka maraykankana ka diyaariyey shahaadooyin sarsare oo la xiriira culuumta police-ka iyo laamaha ammaanka.
Codsi, ku socda bulshada reer puntland gaar ahaana reer mudug, fadlan waxaan si kal iyo laab ah idiinka codsanayaa inaad gacan buuxda siisaan masuulkeena cusub oo aan filaayo inuu gobalka ha hir galin doono horumar iyo ammaan lagu naaloon doono inshaallh kariim.

Fadlan, ugu duceeya inuu illaahay ka indho saabo xaasidka, asagana xaqa fahamsiiyo aamiin.

Waxaa Diyaariyay: Cawil Isbariije