Jaamacadda magaalada Gaarisa ayaa waxaa weli laga daad gureynayaa meydadka ardaydii halkaasi lagu dilay, halka ardayda qaarkood laga soo saaray iyagoo ku jira geedaha iyo musqulaha hoostooda.

Ciidamada Kenya ayaa soo bandhigay meydadka saddex ka tirsan raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa iyo mid ka mid ah raggaasi oo nolol lagu qabtay isla markaana jeebo lagu jebiyay.

Kooxaha weeraray Jaamacadda Gaarisa oo iyagu dilay dad tiradoodu gaareyso 147-ruux ayaa waxaa iminka sii kordhaya dadka u geeriyoonaya dhaawacyadii soo gaaray, iyadoona goobaha caafimaadka magaalooyinka Nairobi iyo gobolka W/Bari Kenya ay noqdeen kuwo mashquul ah.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan baaritaanada la xariira kooxaha argagixisada ah ee weerarada la damacsan dalka Kenya, isagoona intaasi raaciyay inay soo afjareen kooxihii weeraray jaamacadda Gaarisa.

torre3 torre2 torre garis4 garis3 6 7 8 KENYA_UNIVERSITY_ATTACK_AAS117-2015APR03_124710_305.jpg garis2 5 4