Ciidamada Dowladda Kenya ayaa soo afjaray howlgal muddo 16-saacadood ah ay ka wadeen xarunta Jaamacadda Gaarisa ee gobolka W/Bari Kenya, iyadoo la soo badbaadiyay arday fara badan oo kooxaha weeraray jaamacadaasi ay ku heysteen gudaha.

Qaar ka mid ah ardaydii dhiganeysay jaamacadda magaalada Gaarisa ee ka badbaaday weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday, ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga hadlay waxyaabihii ay arkeen mudadii la heystay.

“Waxaa horteyda lagu dilay qaar ka mid ah saaxibadeyda, mana awoodo inaan mar kale nafteyda geliyo khatar tan oo kale la mid ah” ayuu yiri Pallete Okombo oo ka mid ah ardayda jaamacadda magaalada Gaarisa.

Ardayda ka badbaaday weerarkii jaamacadda Gaarisa oo iyagu u waramayay warbaahinta kala duwan ee dalka Kenya ayaa qaarkood waxay sheegeen inaysan inay mar kale ku laabtaan jaamacadaasi.

Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la hakinayo waxbarashada jaamacadda magaalada Gaarisa, iyadoo ardayda ka badbaaday weerarkana dib loogu celinayo guryahooda.

Ila ka badan toban bas oo waaweyn ayaa lagu daabulay ardayda, kuwaasi oo iyagu intooda badan murugo iyo cabsi weyn ku abuurtay xaaladihii ku qabsaday jaamacadii ay wax ka baranayeen.

Dhinaca kale madaxda gobolka W/Bari iyo maamulka Jaamacadda Gaarisa ayaa shaaciyay in la xirayo jaamacadaasi, iyagoona sheegay in la baarayo weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen.

1 2 3 4 5 Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack APTOPIX Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack 14 (1) 14 15 (1) 15 16 (1) Kenya University Attack 17 (1) 17 18 (1) 18 19 (1) Kenya University Attack 20 23 33 43 53 63 73 92 101 111 131 141 211 221 JMC1 JMC2 JMC3 jmc4 jmc6