Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, soo jeedin safiiro cusub, ansixinta xeer hoosaadka golaha wasiirada iyo qaxootiga ku dhibaataysan dalka Yeman.

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Qaranka ayaa golaha soo hor dhigay Hindise Siyaasadeed lagula dagaalamayo argagaxisada, loogan hortagayo amni xumada, waxaan goluhu dood dheer kadib ansixiyeen Hindise Siyaasadeedka Istiraatiijiyada la dagaalanaka Argagaxisada, oo u jeedkiisu yahay in dowaldu yeelato qorshe dhamaystiran oo lagula dagaalamayo argagaxisada, kor u qaadida cadaaladda iyo kala danbaynta, in deg deg looga jawaabo weerarada argagaxisadu soo maleegaan, fariimo midaysan oo ay dowladu yeelato marka laga jawaab celinayo dhacdooyinka argagaxisada, dhaqan badalida dhalinyarada ay marin habaabiyeen, iyo in fursad loo siiyo iney dib ugu soo noqdaan bulshada .

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka soo wajihi kara qaxootiga ku nool dalka Yeman, kadib markii dalkaas intiisa badan ay la wareegen kooxaha Xuutiyiinta, waxaana wasiirku sheegay in wasradu ay magacowday gudi ka soo talo bixiya sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga ku dhibaataysan dalkaas, iyadoo iskaashi lala yeelanayo hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale golaha soo hordhigay tal soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal:

1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5. Daahir Maxamuud Geele

Dhanka kale oo golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadeen saaka waaberigii Jaamacada Gaarisa, halkaas oo ay ku dhinteen arday wax ka baranaysay, ayna ku dhaawacmeen qaar kale.

IMG_0288 IMG_0300 IMG_0308 IMG_0315 IMG_0319 IMG_0320