Dowladda Shiinaha ayaa lacagtii ugu badneyd gacanta u gelisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan dhex maray Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Soomaaliya.

Danjiraha dowladda China u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay goobta Heshiiska ay ku kala saxiixdeen labada mas,uul ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskani uu muujinayo astaan cusub oo xoojineysa xiriirka soo jireenka ah eee ka dhexeeya Soomaaliya iyo China isagoo balanqaaday in China ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirkaas Soomaaliyana ay garab istaagto.

Danjiraha ayaa waxaa uu ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya lacag gaareysa 80 milyan oo lacagta dalka China ah isla markaana u dhiganta 13 milyan oo doolarka mareykanka ah taas oo China ay ugu talo gashay in ay uga qayb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Jamhuuriyada Soomalaiya mudane Cabdi salana Hadliye Cumar ayaa lacagtaas ka gudoomay danjiraha waxaana uu uga mahadnaqay Dowladda China sida ay u caawineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay mar walba diyaar ugu tahay in xiriirka labada dalka uu sii adkaado.