Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa maanta gaaray Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Xaawa Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Qadar.

Wafdigan oo Jowhar ku tegay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobtarka loo yaqaano, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay madax ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiirka caafimaadka Dowladda Federaalka Marwo Xaawa oo ka warbixineysay ujeedada socdaalkooda ayaa sheegtay in ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayn xaalada caafimaad ee ka jira gobolka Sh/dhexe, iyadoona hoosta ka xariiqday inay gacan ka geysanayaan baahiyaha degdegta ah ee gobolka ka jira.

Madaxa hay’adda Qadar Charity oo lagu magacaabo Ibraahim Cali sheegay in gobolka Sh/dhexe ay ugu talo galeen dhaqaale gaaraya Hal Milyan Dollar oo lagu fulinayo mashaariic kala duwan.

Ibraahim Cali wuxuu kaloo sheegay in mashaariicda ay noqonayaan sidii loo taageeri lahaa beeraleyda, dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha iyo kuwa abaarta ku xoolo beelay in loo iibiyo xoolo ay dhaqdaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in uu ku soo dhoweynayo wafdigan heerka wasiir ah magaalada Jowhar uuna ku faraxsan yahay in magaalada Jowhar oo ah magaalo nabaded ay wafdigan soo booqdaan.

1 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????