Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa si aan caadi ahayn loogu soo dhoweeyay dalka Sweden, halkaasi oo kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan Dowladda Sweden.

Md. Ceynte ayaa ku sheegay bartiisa Facebook-ga inay heshiisyo dhowr ah kala saxiixdeen Sweden Statistics oo uu sheegay inay Soomaaliya ka caawineyso sidii ay u gaari lahaayeen go’aano cilmi iyo caddeyn ah.
“Maanta waxaan heshiis iskaashi ah la saxiixannay Sweden Statistics oo naga caawin doonta sidii aan u gaari laheyn goaanno cilmi iyo caddeyn ku qotama” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Ceynte ayaa Wasiirada Sweden wuxuu u gudbiyay farriin uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo dalab ka yimid jaaliyadda Soomaalida dalkaasi degan.

“Wasiirada Swedishka waxaan kaloo la kulmay wasiirro Swedish ah. Waxaan u gudbiyey farriin uu ii soo dhiibay R/wasaare Cumar C/rashiid oo ku beegan xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal” ayuu mar kale ku yiri Wasiir Ceynte.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay inuu Muqdisho kula laabanayo farriin taas la mid ah oo ka socota Dowladda Sweden iyo jaaliyadda Soomaalida ay u dhiibeen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in jaaliyadda Soomaalida Sweden ay codsadeen in xiriirka labada dal laga ilaaliyo xanafta iyo wax kasta oo dhaawici kara.

1 2 3 4 5