kk

Sheekhh C/qaadir Sh. C/raxmaan Celi oo ahaa gacan yarihii Caalimkii weynaa ee Sheekh Cabdi Celi ayaa mahad celin u jeediyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Waxa uu sheegay Sheekh C/qaadir inuu socdo isla markaana la guda galay dayactirka mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi ee ku yaala degmada Warsheekh gobolka Sh/dhexe.

Sheekha ayaa sheegay in dayactirka mowlacaasi ay gacan weyn ka geysteen qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida dibadda, gaar ahaan jaaliyada dalalka Afrika, Yurub iyo Aasiya.

jj

“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa dhammaanba jaaliyadaha Soomaalida dalka dibadiisa degan taakuleynta dayactirka mowlicii Sheekh C/raxmaan Celi oo lagu faafiyo diinta Islaamka” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Sh. C/raxmaan oo sheegay in mowlacaasi uu dhisan yahay in ka badan 40-sano.

Dhinaca kale Sheekha ayaa ugu baaqay dhammaanba jameecada mowlaca Sheekh Cabdi Celi ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay ka qeyb qaataan dib u dhiska mowlacaasi oo ay ka aflaxeen inta badan culimada Soomaaliyeed ee sida weyn dalka looga yaqaano.

Wuxuu sheegay Sheekh C/qaadir Sh. Cabdi Cumar (Boqorka), in mowlacaan uu la mid yahay masjid, lana doonayo in sare loogu qaado fidinta diinta Islaamka iyo barashada culuunta kala duwan ee cilmiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay ka qeyb qaadato dayactirka mowlaca Sheekh Cabdi Celi si loo kordhiyo aqoonyahanada diinta Islaamka ku horumaray ayna ka soo aflaxeen mashaa’iq caan ka ah dalka iyo dalalka caalamka.

Haddaba qofkii doonaya inuu gacan ka geysto dayactirka mowlaca Sheekh Cabdi Celi wuxuu la xiriiri karaa Tel: 00252615522055 / 0025269952055.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here