TACSI-MARXUUM-DANJIRE-YUSUF-MOHAMED-ISMAIL-BARI-BARI2

Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Danjire Yusuf Ismail Bari-bari Oo ahaa Ergeyga Joogtada ah ee u fadhiya Soomaaliya ee Geneva, Dalka Switzerland, & Dhamaan dadkii ku dhintey Weerarkii Aragagixisada ee 27.03.2015 bishan ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama,Magaalada Moqdisho, Allaha u naxariisto janadii fardowsa Allaha ka waraabiyo AAMIN.

Marxuumka wuxuu ahaa muwaadin u taagnaa ilaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, isla markaan ku faani jiray Soomaalinimada, Ina doodijirey xuquuqda Aadanhay gaar ahaan dadka la takooro.

Allaha u naxariisto Marxuum Danjire Yusuf Ismail bari-bari waxuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkii Hotel Maka ala mukarama ee Mogaalada moqdisho, Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

Cabdulqadir Shiikhey Al-hatimi
Danjire