gobolada-dhexe

Shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo wajahaya fashil iyo turuntuurooyin fara badan oo keentay inay mugdi gasho rajadii laga filayay ee ahayd inuu najaxo maamul ka hirgala gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajahay hannaanka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa cirka isku sii shareeray markii degmada Guriceel uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna, inkasta oo xiisadaasi la qaboojiyay hadana waxay mar kale ka sii dartay markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqday magaalada Cadaado isla markaana odayaal halkaasi ku shirsanaa u sheegay in shirka maamul u sameynta gobolada lagu qabanayo magaalada Cadaado.

Sida lala wada socdo muddo ka badan saddex bilood ayaa magaalada Dhuusamareeb wuxuu ka socday shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, halkaasi oo ay isugu yimaadeen odayaal ka kala socda beelaha wada dega labada gobol ee maamulka sameysaneysa, iyagoo aakhirkii kulanka waxgaradka bayaan laga soo saaray lagu sheegay lagu in shirka maamul u sameynta uu ka furmo Dhuusamareeb.

Kulan bartamihii toddobaadkii la soo dhaafay magaalada Cadaado ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo odayaasha dhaqanka ayaa fashil ku dhammaaday kaddib markii odayaashu ka hor yimaadeen soo jeedinta Madaxweynaha ee ah in shirka lagu qabto magaalada Cadaado, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa magaalada lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Dhinaca kale kulankii fashilmay ee Madaxweyne Xasan iyo odayaasha dhaqanka ayaa sababay inuu dib u dhac ku keeno shirkii maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo 25-kii bishaan ka furmi lahaa magaalada Dhuusamareeb sida lagu caddeeyay bayaanka ka soo baxay shirkii magaaladaasi ka socday.

Inkasta oo aan qiil cad loo heynin sababta dib u dhaca ku keentay furitaanka maamul u sameynta ee ka furmi lahaa magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxay taasi muujinee inuu sababsaday is af garan waaga soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo odayaasha beelaha, iyadoo iminka rajadii maamul u sameynta gobolada dhexe ay tahay mid uu hareeyay mugdi iyo rajo beel dhaawacay dadaaladii Dhuusamareeb ka socday mudadada aadka u dheer.

Wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo odayaasha dhaqanka ay ku yagleeli lahaayeen hoggaanka maamulka cusub ayaa noqday mid ay ku hor gudban yihiin qodxo fara badan iyo fashil aan laga soo kabsan doonin muddo aad u fog ayaa waxay kala yihiin: xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan, madax ka tirsan dowladiisa, ganacsatada ka soo jeeda gobolada maamulka loo sameynayo iyo xubno jago-doon ah oo ku xiran dowlado shisheeye.

Micno aad u kala duwan ayay u leedahay kooxahaan u hanqal taagaya gacan ku heynta shirka maamul u sameynta gobolada dhexe magaalada lagu qabanayo shirka, iyadoo sida muuqata dhinaca Madaxweynaha uu daneynayo in shirka lagu qabto magaalada Cadaado si ay iyagu u maamulaan.

Kooxda kale ee doonaya in shirka lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ayaa iyaguna marjac ka dhiganaya bacdamaa magaaladaasi uu ka bilowday hindisaha maamul loo sameeyo gobolada dhexe ay wanaagsan tahay in halkaasi looga dhawaaqo dowlad goboleedka cusubm waxaana kooxahaasi ka tirsan maamulada Ximan iyo Xeeb, Galmudug, xubno ka tirsan ganacsatada labada gobol.

Marka laga soo tago saameynta iyo caqabadaha ay ku keeneen labada koox ee kore, waxaa kale oo qodax ku taagan horumarka shirka maamul u sameynta gobolada dhexe noqday khilaafka u dhaxeeya xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo iyagu dhinaca Dowladda ka helin wax tixgelin ah, taasi oo muujineysa booqashooyinkii Madaxweynaha uu labada goor ku tegay Dhuusamareeb, iyagoona wacad ku maray in gobolada ay maamulaan aanay ka socon doonin wax aanay raalli ka ahayn.

Kooxda Madaxweyne Xasan ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday olole isku xiran min Dhuusamareeb, Cadaado ilaa iyo Muqdisho oo ay hantineyso maamulka iyo gacan ku heynta shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, iyagoona ilaa iyo iminka ku guuleystay inay dib u dhac iyo khalkhal siyaasadeed geliyaan shirkii ka furmi lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Siyaasiyiinta hor boodeysa ee garabka Madaxweynaha ka tirsan halganka ay ugu jiraan maamulida shirka gobolada dhexe waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa, C/Kariim Xuseen Guuleed, C/raaxmaan Diinaari iyo xubno kale, iyagoo ku qanciyay madax ka tirsan guddiga shirka maamul u sameynta ee looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inay u weeciyaan magaalada Cadaado halkaasna ay howshooda ka sii wataan.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo sida muuqata uu ku sii kordhayo culeyska siyaasadeed ee ku hareereysan maamul loo sameeyo, ayaa iska cad inaysan xamili karin hagardaamada ay maleegayaan kooxaha macaash raadiska ah ee qodxaha ku daadinaya wadadii uu ku socon lahaa maamulka cusub.

Runta biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay in dadka ku dhaqan labada gobol ay iyagu u istaagaan sidii ay goboladooda ugu sameysan lahaayeen maamul Federaali ah, isla markaana meel iska dhigaan is qabqabsiga ka taagan magaalada lagu qabanayo shirka dhismaha dowlad goboleedka.

Shaki iigama jiro in haddii kooxda Madaxweynaha jaha wareerineysa arrinta gobolada dhexe ay faraha kala baxaan ay hagaageyso howsha lagu yagleelayo maamulka gobolada dhexe, waxaana ammaan iyo bogaadin mudan odayaasha dhaqanka beelaha wada degan Galgaduud iyo Mudug inay iyagu ka soo baxeen doorkii uga aadanaa.

Waxaa xusid mudan ganacsatada ku taajirtay lacagaha faraha badan ee ay ka heleen burcad badeed afduubka maraakiibta oo intooda badan ka soo jeeda labadaasi gobol in la yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo galaan galka ay ku leeyihiin arrimaha maamul u sameynta, iyadoo aanay cidina dafiri karin maamuuska iyo xushmadda ay mudan yihiin xoogagga Culimada Ahlu Sunaha gobolada dhexe oo dhiigooda u huray nabadda iyo kala dambeynta maanta ka jirta goboladaasi.

Ugu dambeyntii waxaan aaminsahay bulshada ku dhaqan gobolada dhexe in sidii ay isaga xoreeyeen kooxda Shabaab ay iyana isaga difaaci doonaan kooxahan wejiyada badan ee jiho kasta uga yimid doonayana inay kor uga keenaan maamul ay iyagu hoggaankiisa hayaan, waxaana rajo wanaagsan ka qabaa in guusha ay ku jirto gacmaha bulshada Mudug iyo Galgaduud degan.

Waxaa Qoray Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com