iidle

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan iyo Hido ay ku faanto, taasna macnaheedu ma ahan in Dhaqanka Soomaalidu gebi ahaantiisba wada sax yahay, Tusaale Gabadha Soomaaliyeed ee aan la guursan waxaa caado u ahayd iney Timaha Tidcato oo ay qaawiso tan iyo inta ay ka Aqal gelayso. Waxaa ilaahay mahaddiis ah in hada Dhaqankaasi Suuley oo Beled ilaa iyo Baadiye waxaa laga qaataa Jalbaab ama maro aan ka dhicin ayaa u hagoogn Gabdhihii Soomaaliyeed ee Qiimaha badnaa.
Waxaa kaloo jirta oo inta badan Gobolada koofureed oo ay Magaalada Muqdisho ku jirto laga Ciyaaraa Ciyaaro lagu sheego Dhaqan iyo Hido Soomaaliyeed oo aan wanaagsanayn, Ciyaarahaas waxaa ka mid ah Ciyaarta Niikada oo marba Wiil iyo Gabar ay Goobta galaan in kastoo Anshaxa la dhowro oo aanu jirin isku talaxtag laga yaxyaxo, markaan sidaa leeyahay Qiil uma samaynayo Ciyaaraha kale ee Soomalidu Ciyaarto, sida Dhaantada, Wilisaqada, Shiribka, Beerayda iyo kuwa la hal maala.

“Warkii hore War soo dhaaf oo Waayeel Qolof leh baa yimid” waa Oraah la yiraahdo marka la arko wax laga yaabo oo ka daran wixii hore loo yiqiin, waxaan uga jeedaa hadii Dadka qaar la yaabanayeen Ciyaaraha Soomaaliya laga Ciyaaro ama aanay la dhacsanayn sida Niikada, waxaa timid wax Ciyaar loogu yeero oo ay kuwii hore I Qarso noqdeen, Ciyaartaasi maxay tahay? Ciyaartaas waxaa loogu yeeraa JAAM.

Waxaa laga ciyaaraa Magalooyin badan oo ay ugu horayso Magalada Muqdisho, waxaa Ciyaara Wiilal iyo Gabdho, Goob ayaa loo sameeyaa iyadoo ay Goobjoog yihiin Daawadayaal badan oo isugu jira Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho leh iyo Haween qaarkood gacmaha haya Caruurtooda amaba Xanbaarsan, waxaa goobta soo gala marba Lamaane Wiil iyo Gabar ah, waxaa iswaydiin mudan sidee loo Ciyaaro? Waxaa yeeraya Muusig noocyo badan, Lamaanaha Goobta soo gala waxay samynayaan wax walba oo Anshax xumo ah, ma jiraan wax ka xaaraan ah, Mar-marka qaar Wiilashu waxay la baxayaan Shaarka halka Gabdhuhuna ay Qaawinayaan Madaxooda iyagoo GarbasaarkaTuurayo ama Barida lagu xiranaya, waxaadba is leedahay Dhalinyarada Ciyaaraysa Soomaali raad kuma lahee ma waxay ka soo jeedan Qoomkii fadeexada ku caan baxay ee Nebi Luud, waxaa laga tegey Xishoodkii siiba Gabdhaha oo raali ku noqday in meel fagaare ah ku lumiyaan Sharaftii iyo Haybadii ay lahaayeen, markaad si hoose u eegto waxaad is leedahay oo kale kuwan maxaa ma yeeraanka u galay, waxaad arkaysaa Gabar Soomaliyeed oo Calaacalaha Dhulka dhigatay oo wiil Food Dheeri Sinaha ka hayso oo uu ku samaynayo wuxuu doono oo hadana Dadkii daawanayey ay u riyaaqayaan, hadaad waydiisana lagu leeyahay waa mid ka mid ah Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya, waa cajiib! waxa is waydiin leh aaway Qiyamkii Diiniga ahaa hadiiba laga tegey kii suubanaa ee Soomalida, waxaa intaas ka sii daran halkii loogama tegayee waxa loo adeegsnayaa noocyo ka mid ah Warbaahinta sida facebook-ga iyo Yutube-ka si qofkii aan goobta joogine u helo fursad uu ku dawado.

Ciyaartaas hada soo caan baxay ee JAAM-ka oo ah Niiko qaab daran oo aan waxba laysula harayn waxaa sanooyinkii danbe laga Ciyaarayey Muqdisho iyo meelo kaleba, waxaa isku balansada Dhalinyaro aan sariig lahayn, inta badan waxay ku kulmaan oo ay isku arkaan iskuna balansadaan Munaasabadaha Arooska, marka laga yimaado Goobaha Aroosyada waxaa kaloo lagu Ciyaaraa Goobo u gaar ah oo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho, waxay samaystaan Waardiye, loomana ogola qof aan laga garanayn Xaafada markaasi la joogo, hadaad waydiiso Qaylada iyo Muusiga meesha ka yeeraya waxaa si sahlan laguugu jawabayaa waa Xaflad Aroos, sababtoo ah waxay og yihiin Qatarta ay leedahaya Anshax Xumada ay Bulshada kula dhex jiraan.

Waan hubaa in aanay Arintan dad badani la socon, waxaan leeyhay halagu bararugo, runtii waa arin Dhaqan dooris ah oo hadii ay sii socoto cid walba xanuunkeeda dareemi doonto xili aanay waxba ka qaban Karin, waxaana hubaal ah in Soomaaliya la wada joogo oo howlo badani ka wada socdaan, Hadaad is leedahay Muqdisho dib u dhis baa ka socda waxaa dhinac socda Anshax Xumo aan qof damiir lihi u dul qadan karin, haddaan laga hortegina waa arin qatarteeda leh, Oo wa hubaal in Eebe noo caroonayo hadii Alle noo caroodana wa Cadaab soo deg-dega.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle

Email: Naasirx1@gmail.com

00252-615503978.