cumar-xasan

Waxaa jira yadadiilo xoog badan iyo rajo xambaarsan mustaqbal ifaya oo shacabka Soomaaliyeed kaga gudbayaan hanaankii mugdiga iyo dib u dhaca ku dhisnaa ee sababta u noqday in qaranku dhinaca wanaagsan u dhaqaaqi waayo.

Hiigsiga cusub ee 2016-ka waa fursad khaali ah oo u baahan in loo wada guntado si miro gurashadeedu u noqoto mid dhab ah , mugdiga waa in ileys lagu bedelaa, tafaraaruraqa iyo kala daadsanaanta booskooda isku duubni iyo wadajir la geliyaa, qabiilka qaranimo lagu bara bixiyaa , dulmiga , eexda iyo nin jecleysiga waa in cadaalad iyo sinaan lagu tir tiraa.

Sanadkii tagey 2014 sharaftii iyo heybadii aan caalamka ku laheyn dhulka ayey ku dhacday kadib markii dalkeena SOOMAALIYA uu noqday dalka ugu musuq maasuqa iyo laaluush qaadashada badan caalamka oo dhan, iyadoo 19 wasaaradood si cad loo qeexay in ay ku sifoobeen MUSUQ MAASUQ IYO WAX ISDABA MARIN, hadaba marka khiyaaliga laga soo tago boogtaas oo aan dawo loo helin maku taami karaa BARNAAMIJKA HIIGSIGA 2016-ka ?.

Rajada ma dhiman oo weli wey nooshahay waxaana muuqda ifafaale muujinaya xaalad suura gelineysa wax qabad dhab ah oo isla xisaabtan ku dhisan, hadalkii madax weyne Prof. Xasan Sheekh ee ahaa in sanadka 2015-ka uu noqdo sanadkii la dagaalanka iyo baabi’inta musuq maasuqa, howl galada wadaninimada ku dhisan ee ay ku dhaqaaqeen HANTI DHOWRKA GUUD iyo XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA, KALA DIRIDII MADAX WEYNAHA EE GUDIGA GARSOORKA intuba waxey muujinayaan in SEEFTU GALKA KA BAXSAN TAHAYoo waqti aan sidaa usii fogeyn la arki doono WASIIR, WASIIR KU XIGEEN, AGAASIME GUUD, MAAREEYE, GUDOOMIYE GOBOL , GUDOOMIYE DEGMO, TALIYE CIIDAN oo sharaftii laga qaaday cadaaladana lahor keenay lagana abaal mariyo xatooyada uu u geystay xoolaha dadweynaha.

Mudane Madax weyne si xaaladan isbadal mug leh loogu sameeyo ugu horeyn waa in la waayaa WASIIR AAN USOO SHAQO TAGEYN XAFIISKA WASAARADIISA oo saxiixyada dokumentiyada iyo howlaha looga baahan yahay hotel loogu geeyo, GUDOOMIYE GOBOL OO GURIGIISA XAFIIS U YAHAY, iyadooay dib u saxid u baahan tahay MAS’UUL ismooday in uu hey’ada uu madaxda ka yahay isaga leeyahay MUDANE WASIIR, MUDANE MAAREEYE, TALIY CIIDAN, GUDOOMIYE GOBOLiyo MID DEGMABA ogow in SHAQAALAHAADU AY KULA SHAQEEYAAN OO AYSAN ADIGA KUU SHAQEYN.

Waxaa dib u dhac qaranka ugu filan wasiir mudada qorshe howleed kiisu ku saleysan yahay BIL ILAA 3 BIL , keydki dokumentiga ( ARCHIVIO ) ee wasaarada ama hey’da oo noqday LAPTOP uu garabka ku sito wiil ama gabar qurba joog ah ( DIASPARO ) oo uu wasiirku ama madaxa hay’du uu adeer ama abti u yahay taas oo sababta in xiliga xil wareejinta la waayo wax DUKUMENTI ah oo la’iska dhaxlo taas oo horseed u noqoto in mas’uul walba aan wax raad raac ah laga helin iyadoo mas’uul walbana oo meesha la keeno uu shaqaale cusub oo beeshiisa ah ku meeleeyo hay’da madaxa looga dhigay.

Dhinaca kale dib u dhaca iyo nasiib darada ugu weyn ee haleeshay wasaaradaha qaar ayaa ah AGAASIMAYAAL GUUD oo ku daxaleystay oo tan iyo sanadkii 2008-dii kursiga ku fadhiyay kuwaas oo 99% garaafkooda aqooneed aanu gaarsiisneyn heerka dugsiga dhexe hase yeeshee fursad ku helay waqti aad looga baqayay in xil dowladeed la qabto, agaasime yaashani waxey si afduub ah u heystaan awoodii wasaarada oo dhan , qaar kamid ah maleeshiyo beeshooda ah oo loo huwiyay shaar ciidan qaran ayaaba ka taliya xarunta wasaarada, waxeyna wasiir walbo oo loo magacaabo wasaarada ku hagaan hanaanka boobka iyo wax isdaba marinta ku dhisan maadaama wasiirada ay yihiin kuwo baahi xoog lahi ka muuqato kana go’an tahay in jeebabka oo dhan hal mar wada buuxsadaan.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi rashiid waxaa horyaala caqabado u baahan in si geesinimo leh loo wajaho waxaana haboon in uu ka dhabeeyo hadalkii madax weynaha ee la dagaalanka musuq maasuqa taas oo ay ugu horeysa in xididada loo siibo AGAASIME YAASHA GUUD ee WASAARADAHA, MAAREEYAYAASHA QAAR, GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR iyo QAAR KA MID AH GUDOOMIYE YAASHA DEGMOOYINKA si wax badan looga bedelo xaalada muuqaalka xun ee haatan taagan waxaanse gaba gabadii leeyahay HIIGSIGA 2016 HAGAR DAAMOOYINKA HALAGA HOR LEEXIYO.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman.
muusekiimiko@gmail.com