RW. Cumar ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre

ccc1

Inaa-Lilaahi-Waa-Inaa-Ileyhi-Raajicuun

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

“Geeridu waa xaqa, qof walbana waa dhimanayaa. waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu Kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, kana waraabiyo Janatul Firdowso, ” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay geerida marxuumka oo hada ahaa hogaamiye dhaqameed. wuxuuna ilaahay ugu baryey inuu samir iyo imaan ka siiyo dhamaan intii jeclayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*