kay1

Inkastoo aan muddo laga joogo ku dhowaad afar (4) billood, aan go’aansaday in aan ka gaabsado wax ka qorida Siyaasada Soomaliya oo xilligaan ku jirta jahwareer siyaasadeed ( political trauma), ha yeeshee waxaa aad ii soo jiitay maqaal uu dhowaan qoray qoraa sare Ahmed Alasso, maqaalkaas oo uu ciwaankiisu yahay Nicholas Key WAKIILKA BURBURINTA DALKA.
Qoraagu wuxuu maqalkiisa ku soo bandhigay, faragelinta qaawan ee uu Danjire Nicholas Key ku haayo siyaasada Soomaaliya, taas oo xad-gudub ku ah madax-banaanida jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliyeed iyo sharciyada caalamiga ah ( sovereinty of Somalia and international policy abuse.)
Qoraagu wuxuu isweydinayaa, waa maxay danaha uu Danjire Nicholas Key ka leeyahay in dowlada hadda jirta la dumiyo si uusan dalku u yeelan dowlad shaqeysa?, yaasa siiyey awooda uu safaro joogto ah ku kala bixinaayo meelaha ay ka jiraan maamul-goballeedyada asagoon ogolaasho ka haysan madaxda ugu sarreysa dowlada federaalka Soomaliyeed, goormaa la bedelay mas’uuliyadii wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimada Somaliya oo ku ekeyd oo kaliya inuu wakiilku DFS ka cawino wixii ay weydiisato dowlada dhexe.
Sida muuqata Ambassador Nicholas Key, wuxuu wadaa olole ka dhan ah dowlada dhexe ee federaalka Soomaliyeed, asagoo dhiirigelinaaya maamul-goballeedyada dalka ka jira iyo kuwa soo socda, iyadoo la wada ogsoon yahay in maamul-goballeedyada Soomaliya ka jira 90% yihiin qabiil calan sameystay ee sheeganaaya in uu yahay dowlad la siman tan federaalka ah, sidoo kale waxaa la ogsoon yahay in ay jiraan maamul-goballedyo aad u jaceyl in la baabi’iyo magaca Somaliweyn ee la wada ahaado qabiil-calan leh amba gumeysigii dib loogu laabto ee mudane Nicholas Key, ma wuxuu doonayaa inay Soomaaliya isu leyso sida ay hadda isu leynayaan walaalaha Yemen?.

Danjire Nicholas Key ma isku dabaridaha danaha Soomaliyeed mise waa dumiyaha Soomaliya, waa su’aal cid kasta u furan—————-?.

Mohamnoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
mogadishu, Somaliya.