caruur

12/3/2015 waxaa qoraal ka soo baxay xarunta illaalinta Xuquuqda aadanaha caalamiga ee loo yaqaano (AMNESTY INTERNATIONAL) taasoo lagu sheegay inaanan Dalka Soomaliya lagu dhowrin dadka Naafada xuquudoodda, islamrkaana aynan helin texgalin.

Qoraalkan ay soo saartay Amnesty ayaa ahaa mid u muuqday canaan madaama dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowlad rasmi ah. Hadaba waxaan daah naga saarneyn in ay mudan yihiin dadka Naafada ah in xuquuqdooda la illaaliyo islamrkaana loo nuglaado maadaama dadka caadiga ah ay aad ugu nugul yihiin.

Sanadii ina soo dhaaftay bishii Diseembar ayaa gollaha Naafada qaranka Soomaaliya maalin cad oo ay cad ceedda aad u kulushahay waxa ay ku hor banaan baxeen Xarunta wasaarada Arimaha guddaha ee OTTE OTTE ee magaalada Muqdisho, iyagoo usoo ban baxay in ay caalamka u bandhigaan dhibaatadooda maadama ay waayeen xuquuqdoodda gaarka ah & midoodda guudba.
Waxaan maqalnaa mar walba in ay cawdaan Muwaadiniintii xubnahoodda muhiimka ah ku waayay dagaalkii 77 oo ay warbaahinta ka sheegaan inaan la daryeellin, waxaana jirta in mar mar hay’addo gaar ah taakuleeyaan ka dibna la iska illaabo.
Waa ayaan daro in taasi dhacdo runtii oo dowladeena ay xusuusan waysay xuquudoodda nadaafada. balse waxaan dhihi karaa madaxda dalka in ay ka jeesatay arinkaasi muhiimka ah balse maanta oo ay kusoo baraarugtay ka dib markii Magaalada Muqdisho soo gaareen Wafdi caalami ah ee u dooda xuquuqda naafada Xubnahaas oo isugu jiray aqoonyahanno iyo shaqaale hey’ado kala duwan, waxay Madaxweynaha u soo bandhigeen baahida sharci ee loo qabo in Dastuurku uu damaanad qaado xuquuqda dadka naafada ah.

Wakiilladu waxaa kale oo ay Madaxweynaha hordhigeen baahida waxbrasho, midda shaqo iyo tan daryeel ee ay qabaan dadka naafada ah oo ay sheegeen in ay Soomaaliya ku badan yihiin, dagaalka sokeeye awgiis.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu dhegeystay talooyinka iyo codsiga wakiillada waxaa uu ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu sugi karo xuquuqda dadka naafada ah, isla markaasna inta taagteedu ay tahay ay ku shaqeyn doonto siyaasad ku wajahan in dadka naafada ahi ay baahidooda daboolaan.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in Madaxtooyada laga sameyn doono xafiis qaabbilsan dabaggalka howlaha ku wajahan sugidda xuquuqda naafada.

Hadaba soo lama dhihi karo madaxda dalkeena waajibaad culus oo ay illowsanaayeen ayaa la xusuusiyay.

W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email asaddhayow@gmail.com

Muqdisho/Somaliya