yemen-rebels

Dagaal xooggan oo ka dhacay Koonfurta Yeman ayaa xiray Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada dekedda ah ee Cadan.

Wararka ayaa shegaayo in dhowr madaafic ah ay ku dhaceen goroonka isla markaana dad rakaabka ah lagu amray in ay ka soo degaan diyaarad u duli la hayd magalada Qaahira.

Magalada Cadan ayaa xarun u ah madaxweyne Cabdurabbuh Maansuur Haadi, kaaso ka baxsaday magalada casimadda ah ee Sanca, halkaasi oo u ku jiray xabsi guri kaddib markii ay halkaasi si buuxda gacanta ugu dhigtay Jabhadda Shiicada ee Xuutiyiinta.

Dhinaca kale xaaladda dalka Yeman ayaa aad u kacsan mudadii ka dambeysay markii ay talada dalka la wareegeen xoogagga Xuutiyiinta ah, iyadoo khilaafyada siyaasadeed ee dalkaasi cirka isku shareerayaan maalinba maalinta ka dambeysa.