Warsaxaafadeed 19/3/2015

Waxaa Shirkadda Rajo Construction and Transportation Dhidibada loo taagey Bishii Abriil 10-keedii 2013, waxaana Munaasabadii lagu furayey oo ka dhacdey Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada , waxayna Warshadan noqotey Warshadii ugu horeysey oo Nooceeda ah oo laga furo Dalka , waxayna ku soo beegantey Xili Madaxweyne Xasan Shiikh uu Qurba Joogta u jeediyey Baaq ah in ay Dalkooda Maalgashadaan waxayna Warshadaan Maalintii soo saareysey Kumanaan Kun oo Bulukeeti oo Casri ah iyo Dhagax loo yaqaan Inter-Lock ee Guryaha iyo Hareeraha Wadooyinka la dhigto

Hadaba Warsaxaafadeedkii ay soo saareen Masuliyiinta Shirkada uu u Qornaa Sidatan”

Annagoo ah Mas’uiuliyiinta Shirkadda Rajo Construction and Transportation waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa Document rasmi ah oo caddaynaya heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay dacwaddii ku saabsanayd dhulkii ay Shirkaddu degganayd, kuna shaqaynaysay ka hor inta aan la burburin dhammaan qalabkii shirkadda Rajo Construction.

Haddii aan ka hadalno Sababaha keenay in waqtigan xaadirka ah aan bulshada u soo bandhigno Documintigaas waxay tahay iyadoo warbaahinta qaybo ka mid ah lagu soo bandhigay burburkii loo geystay Warshadda iyadoo muuqaal ah, kaddib markii uu ka hadlay mas’uul ka tirsan dowladda oo sheegay in Warshadii Rajo iyo dhammaan qalabkii ay ku shaqaynaysay si qaldan oo aan sharciga waafaqsanayn loo burburiyay.

Intaas kaddib waxaa dhacday in dad badan ay ra’yigooda ka dhiibtaan iyadoo ay qolaba si u fasiratay sababaha keenay in Warshad weyn iyo qalabkeeda dhibaato intaas la eg ay hay’ado ka mid ah Dowladda geystaan sax iyo qalad iyadoo si aad ah ay ugu kala aragti duwanaadeen.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba waxaan u caddaynaynaa haddii aan nahay Mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction in si qalad ah oo aan sharciga waafaqsanayn loo burburiyay Hantideenii waana kuwan qaybo ka mid ah caddaymihii;

FIIRO GAAR AH; Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Shirkadda Rajo Construction waxa aan aad uga xunnahay annagoo noqonay Shirkaddii ugu horreysay ee ka jawaabta baaqii Madaxweynaha iyo Dowladdaba ee ahaa in Qurbo-joogta ay maalgashadaan dalkooda, weliba shirkaddeena ay si gaar ah ugu hawlanayd dib u dhiska dalka maadaama qalabka iyo Warshaddaba ay ahayeen kuwa dib loogu dhisayo dalka, haddana ay dowladdii sababsato.

CODSI; Waxaan ka codsanaynaa dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu cabashadeena tixgelin siiyo.

Halkaan ka daawo markii ay ay shaqeyneysey Warshad Rajo Construction and Transportation iyo markii la Burburiyey

5 ??????????????????????????????? 15 11025108_10206138652167071_1120581051_o 11032138_10206138652327075_51279812_o 11045982_10206138655287149_360781721_o 11065207_10206138657047193_52742670_o (1) 11065463_10206138652807087_653563978_o 11066003_10206138654127120_385458790_o 11069529_10206138654847138_569628207_o 11070729_10206138655727160_822332634_o

Mahadsanidiin

Guddoomiyaha Shirkadda Rajo Construction

Cabdicasiis Mohamed Hassan