Gaari nooca yar yar ah ayaa ku qarxay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, gaarigaasi oo ay saarnaayeen laba nin oo dhallinyaro ah kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxa.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay mar kaliya ku baraarugeen gaariga yar oo isagoo maraya wadada bartankeeda uu qarxay, isla markaana dab xoogan ka kacay gebi ahaanba gaarigaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wax yar kahor wadadaasi ay mareen kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasi oo iyagu si nabad ah ku maray wadadaasi.

Dhinaca kale daqiiqado kahor waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, iyagoona sheegay in gaarigaasi qaraxa ka dhashay ay ahayd walxo qarxa oo lagu soo xiray.

Lama ogaa ilaa iyo iminka in gaarigaas iyo labada dhallinyaro ee wadatay oo ku geeriyooday loogu xiray qaraxaasi iyo inay iyagu ku soo xirteen si ay ugu weeraraan saldhigyada Dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo qaraxani ku soo beegmayo xilli shalay madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia.